4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 14, 2018
Baarlamaanka Puntland oo go'aan ka soo saaray doorashada 2019

 

Talaado, August, 14, 2018 (HOL)– Baarlamaanka Puntland oo Talaadada maanta ah fadhi ku yeeshay xaruntiisa magaalada Garoowe ayaa go'aan ka gaaray nooca doorashada ee Puntland ka dhici doonta marka la gaaro sannadka 2019.

Guddoomiyaha Baarlamaanka, Axmed Cali Xaashi wuxuu u sheegay warbaahinta marka uu kulanka soo dhammaaday in doorashada ay u dhaceyso nidaamka beelaha ee lugu soo xuli jiray xildhibaannada ,wuxuuna xaqiijiyay guddiga doorashada oo maanta warbixin-siiyay Baarlamaanka inay caddeeyeen doorashada inaysan ku dhici karin nidaamka xisbiyada badan.

" Doodii maanta waxay ku soo gabagabowday in lifaaqii 3aad dastuurka ee sannadkii 2013 baarlamaankan midkii ka horreeyay ay go'aamiyeen in isagii dib loo soo cusbooneysiiyo kaas oo ahaa 8 qodob... qodobka lixaad oo ahaa in hakad la geliyo barnaamijka dimuqraadiyeynta ee hakadku galay waxaa dib u billaabaya xukuumadda cusub ee loo doortay hoggaanka Puntland sannadkii 2014 sidaas ayay yirahdeen ,qodobka ayaan ka beddelnay."ayuu yiri Axmed Cali , guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland.

 

Go'aanka Baarlamaanka ayaa ku soo aaday xilli ay tagneyd wel-wel laga qabey in xukuumadda madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas isku daydo muddo kororsi. Golaha Wakiilada ee Puntland ayaa si cad u sheegay in doorashada Madaxweynhu dhacayso maalinteedi 8 Janaayo 2019, waxaana u xaqiijiyay guddoomiyaha in baarlamaanka hadda jira uu beddalaayo baarlamaan kale oo la soo dhamaystiro ugu danbeyn 31 Diseembar,iyadoo ay sii shaqeyn doonan guddiga doorashada ee Puntland.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online