4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 14, 2018
Ciidamada dowldda oo qabtay rag hubeysan oo ka tirsanaa Al-shabaab

 

Talaado, August, 14, 2018 (HOL)– Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaliya lagu waramayaa in ay gacanta ku dhigaan rag hubeysan oo weerar ku soo qaaday fariisin ciidamada dowladda ay ku lahaayeen deegaanka Calamada ee gobolka Shabeellaha Hoose sida lagu daabacay warbaahinta dowladda.

Ciidamo ka tirsan qeybta 12-ka April oo barkoontarool ku lahaa deegaanka Calamada ayaa qabtay shan ka tirsan ururka Al-shabaab oo mid ka mid ah dhaawac ahaa, sidoo kale ciidamada ayaa qabtay gaari ay wateen raggan.

Sarkaal ka tirsan qeybta 12-ka April ayaa warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in ay heleen xog ku saabsan Al-Shabaab ay doona-yaan inay weerar kusoo qaadaan, wuxuuna sheegay in ciidanka ay qabteen gaarigii ay wateen oo isu soo ekeysiiyey gaadiid safar ah.

Saraakiisha ayaa sheeegay in raggan la qabtay la baarayo waxaana la sheegay in loo soo gudbiyay dhinaca magaalada Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]