4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 14, 2018
Qaramada Midoobey oo ku baaqday in laga taxadiro xadgudubyo dhaca inta lagu guda-jiro doorashada 2020ka

 

Talaado, August, 14, 2018 (HOL)– Hawlgalka Qaramada Midoobay ee taageerada Soomaaliya UNSOM iyo Xafiiska wakiilka sare ee xuquuqda aadanaha ayaa shalay oo Isniin aheyd ku baaqay in la qaado tallaabooyin looga hortagayo in ay xad gudubyo ka dhacaan doorashada soo socota, kuwaasi oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Warbixin cusub oo ay soo saartay QM ayaa waxa ay ku talisay in laga faa’ideysto horumarka muhiimka ah ee geeddi-socodka nabadda, islamarkaana aanay markale dhicin xad gudubyadii dhacay doorashadii 2016-2017-kii.

Qaramada Midoobay ayaa waxay kaloo warbixinteeda ku sheegtay in la dilay 44 ruux oo isugu jira kaabe Qabiillo iyo ergadii doorasho ee waqtigaas, kuwaasi oo ay ku jiraan Saddex Dumar ah.

Wakiilka gaarka ah QM ee Soomaaliya Michael Keating ayaa ka codsaday mas’uuliyiinta Soomaaliya in ay dhistaan ​​nidaam wakiil oo ay ku jiraan dhammaan muwaadiniinta, iyada oo ku saleysan mabda’a hal qof oo hal cod ah, oo wajahaya doorashooyinka la qorsheeyay 2020-2021.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]