4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 12, 2018
Ciidamada dowladda oo toogtay qof hubeysan oo Askari toogasho ku dilay

 

Axad, August, 12, 2018 (HOL) – Wararka Hiiraan Online ka soo gaaraya degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in ciidamada dowladda toogasho ku dileen qof hubeysan oo dilay sida ay goobjoogayaal sheegeen askari ka tirsanaa ciidamada dowladda.

Ninkan toogashada lagu dilay ayaa ka mid ahaa kooxo xaafadda Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid ku toogatay askari ka tirsanaa ciidamada dowladda halka mid kalana gacanta lagu dhigay.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow ayaa isna la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ciidamada Amniga ay khaarajiyeen mid ka mid ah Ururka Al-shabaab oo markii hore dil u geystay sida uu hadalka u dhigay muwaadin Soomaaliyeed, islamarkaana isla goobta uu dilka ka geystay ay ku yoogteen ciidamada.

Inta badan kooxaha dilalka ka geysta magaalada ayeey u suurtagashaa in ay goobta ka baxsadeen, waana dhif iyo naadir in ciidamada dowladdu qabtaan ama dilaan kooxahaas, inkastoo mar marka qaar la soo bandhigo dad lagu sheegay in ay falal dil ah ka geysteen caasimada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]