4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 12, 2018
Dekedda Muqdisho oo xili habeen ah shaqeyn doonta

 

Axad, August, 12, 2018 (HOL) - Dekedda magaalada Muqdisho  ayaa la daah-furay xalay markii ugu horeysay tan iyo bur burkii dowladda dhexe in ay xili habeen ah shaqeyso.

Waxaa booqday oo ka qeybgalay munaasabada daah-furka dekedda ee xiliga habeenkii mas’uuliyiin kala duwan iyagoo u kuurgalayay sida ay howlaheeda ay u socoto waxaana mas’uuliyiintaas horkacayay Ra’iisul Wasaare ku-xiggeenka xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khada)

Tan iyo burburkii dowladii dhexe ee dalka Dekedda Muqdisho ayaa kaliya howlaheedu waxaa ay ku koobnaayeen maalinta oo kaliya iyadoo xilli-yadii dowladii hore iyo muddo ka sii horey-sayba ay shaqeyn jirtey habeen iyo maalin.

Dekedda ayaa ka mid ah Ilaha dhaqaale ee ugu weyn oo ay ku tiirsan tahay dowladda Soomaaliya marka laga soot ago garoonka diyaaradaha Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]