3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 11, 2018
Laba hay’adood oo Finland ka dhisan oo ay maxkamad ka joojisay in ay si been abuurasha ah magaca urur NUSOJ lacag ku bixiyaan

 

Sabti, August, 11, 2018 (HOL) - Maxkamada Sare ee dalka Kenya ayaa shalay ku amartay labo (2) hay’adood oo laga leeyahay dalka Finland in ay joojiyaan lacago ay si khaldan oo been abuurasha ah ugu bixinayeen magaca Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ.

Kaddib dacwad uu ururka NUSOJ ka gudbiyay hay’ada VIKES iyo Ururka u gargaara Kaniisadaha ee Finland ee loo yaqaano Finnish Church Aid (FCA) ayaa ururka NUSOJ waxaa uu ka hor cadeeyay maxkamada in ay labadan hay’adood u bareereen in ay si been abuur ah magaca ururka lacag ku siiyaan shaqsi lagu magacaabo Maxamed Ibraahim Nuur.

Xaakinka maxkamada sare Justice Grace Nzioka ayaa dood dheer kadib waxay ogolaatay codsiga ururka NUSOJ, waxayna amartay in hay’adaha VIKES iyo FCA ay joojiyaan in Maxamed Ibraahim Nuur lacag kusiiyaan magaca ururka NUSOJ amaba u aqoonsadaan in uu xubin, wakil ama masuuliyad ka hayo ururka NUSOJ, waana in ay u maraan wax kasta oo ururka NUSOJ ku saabsan Xoghayaha Guud ee ururka Cumar Faaruuq Cusmaan sida ku cad xuquuqda magac dhowrka ee ururka iyo guddoomiyaha golaha sare Cabdi Aadan Guled, sida ku cad go’aanka maxkamada.

Arrintaan ayaa ka dambeysay markii hay’ada VIKES ay deeq lacageed ka heshay Xafiiska Ergada Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya ee fadhigiisu yahay Nairobi kaasoo ay sida ay maxkamadu cadeysay si been abuur ah ay ku sheegatay VIKES in ay la shaqeyneyso ama ay caawineyso ururka NUSOJ. Garyaqaanaga u doodaya ururka NUSOJ ayaa maxkamada ka hor sheegay in ay tahay been abuurasho, musuq maasuq bareer ah, xatooyo magac urur iyo in suxufiyiinta Soomaaliyeed la duudsiiyo xuquuqdooda, kuwaasoo dhamaantood ah sharci daro aad u weyn.

Ururka u gargaara kaniisadaha ee Finland oo lacag ka helaya wasaarada arrimaha dibada ee Finland ayaa sidoo kale VIKES ku gacan siinayay mashruucan fulintiisa, taasoo ay sheegeen qareenada NUSOJ in hay’adaha VIKES iyo FCA ay doonayaan in ay ka faa’ideystaan habacsanaanta shuruucda dalka Soomaaliya iyo xadgudubyada bareerka ah ee loo geysanmayo xubnaha iyo hogaanka ururka NUSOJ.

“Waan ku faraxsanahay go’aanka hor dhaca ah ee maxkamada sare ee dalka Kenya ku mamnuucday been abuurashada lagu sameynayo ururkeena NUSOJ oo ay horkacayaan VIKES iyo FCA. Waan og nahay falalka masuuliyad darada ah ee VIKES dalka ka wado balse waxaan la yaaban nahay goorta iyo goobta aan urur ahaan u weydiisanay hay’ad kaniisadaha ka shaqeyso in ay deeq lacag na siiso,” ayuu yiri Xoghyaha Guud ee NUSOJ Cumar Faaruuq Cusmaan.

Maxkamadaha dalka Kenya ayaa awood u leh arrintan kadib markii la xaqiijiyay in deeqda lacageed ee Vikes ka heshay xafiiska midowga yurub ee fadhigiisa yahay Nairobi, isla markaana la cadeeyay in FCA ay xarun ku leedahay dalka Kenya.

Cumar Faaruuq waxaa uu ku sii daray “waxaan u cadeynay maxkamada in urur Finland laga leeyahay, haba ka shaqeeyo kaniisadaha xitaa, in aanan waxba weydiisan, mana uga hareyno been abuurashada ay sameynayaan. Tilaabadan waa mid bilow ah oo fadeexado badani soo bixi doonaan”.

Waa markii ugu horeysay oo hay’ado laga leeyahay dal reer galbeed ay maxkamad ku amartay in ay joojiso lacago ay si been abuurasha ah ku bixinayeen ayaga oo isticmaalaya magaca urur Soomaaliyeed.

 

 

 













Click here
8/11/2018 2:30 PM EST
Sabti, August, 11, 2018 (HOL) - Warar ka imanaya Jubbaada hoose ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya labo beelood uu ka dhacay deegaan Galbeed ka xiga magalada Kismaayo sida ay sheegeen wax-garadka deegaanka.

8/11/2018 10:28 AM EST
Sabti, August, 11, 2018 (HOL)-Dowladda Soomaliya ayaa si rasmi ah u howlgalisay golaha dhaqaalaha Qaranka oo bishii July ee ina dhaaftay lagu magacaabay wareegto ka soo baxday madaxweynaha dowladda Soomaaliya.

8/11/2018 9:00 AM EST
Sabti, August, 11, 2018 (HOL)-Magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaa maanta uu shir ku dhaxmaray saraakiil ka tirsan dowladda dhexe ee federaalka Itoobiya oo ka soo duulay magaalada Addis Ababa iyo odayaasha dhaqanka deegaanka.

8/11/2018 7:49 AM EST
Sabti, August, 11, 2018 (HOL)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta soo saaray go’aan lagu burinayo Hanti dawladdu lahayd oo shirkaddo gaar ah maamulayeen, waxaanu sheegay in dib loogu soo celiyey gacanta dawladda.

8/11/2018 5:18 AM EST
Sabti, August, 11, 2018 (HOL)-Waddada isku xirtay Balcad iyo Jowhar waa halka ugu khatarsan marka lagu safrayo dhulka, waxaana marar badan hore weerarro sababay khasaare isugu jira dhimasho dhaawac ka geystay dagaalamayaasha Al-shabaab.

8/11/2018 4:59 AM EST
Sabti, August, 11, 2018 (HOL)-Mid ka mid ah Farsasmayaqanada diyaaradaha oo si sharci darro ah u duuliyay diyaarad aan cidina saarneyn oo nuuceedu yahay Horizon Air Q400,ayaa ku dulburburtay Jasiirad ku dhow deegaanka Seattle ee gobolka Washington.

8/11/2018 2:42 AM EST
Sabti, August, 11, 2018 (HOL)-Lix ruux oo asalkoodu yahay Itoobiyaan ayaa lagu waramayaa siyaabo kala duwan loogu dilay dalka Jabuuti weerar u muuqday aargoosi, sida ay warbaahinta u sheegeen dad goob joogayaal ah.

8/11/2018 12:59 AM EST
Sabti, August, 11, 2018 (HOL)-Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dalbaday in baadhitaan madax bannaan oo lagu kalsoon yahay lagu sameeyo duqayntii diyaaradaha dagaalka ee xulufada Sucuudigu ku dileen carruurta badan ee reer Yemen.

8/11/2018 12:47 AM EST
Sabti, August, 11, 2018 (HOL)–Dowladda Imaaraadka Carabta sheegtay dhisi doonta dhuumo shidaalka qaada oo isku xiri doona dalka magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya iyo magaalada Asab ee dalka Ertirea.