4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 11, 2018
Madaxweyne Biixi oo go’aan ka soo saaray heshiishyo xukumaddii hore shirkaddo gaar ah la gashay

 

Sabti, August, 11, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta soo saaray go’aan lagu burinayo Hanti dawladdu lahayd oo shirkaddo gaar ah maamulayeen, waxaanu sheegay in dib loogu soo celiyey gacanta dawladda.

Heshiishyadan la buriyey ee hore shirkadaha gaarka ahi u maamuli jireen waxa ka mid ah Haamaha shiidaalka, Adeegga amniga ee madaarka iyo adeega Baarkinka madaarka Cigaal (EPASS) oo intuba shirkada gaar ahi maamuli jireen.

“Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-178/082018, uu maanta ku shaaciyey in xukuumaddu La-wareegidda Hantida Dawladda ee Haamaha Berbera, Amniga iyo Baarkinka Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal.”ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay madaxtooyadda.

Go’aankan gacanta dawlada dib loogu soo celinayo adeeg ay shirkaddo gaar ahi maamulayeen ayaa u dhignaa sidan:

1) In la buriyay heshiisyadii lagu wareejiyay adeegyada: Haamaha Shidaalka (BOG), Adeegga Amniga Madaarada (SRM), iyo Adeega Baarkinka Madaarka Cigaal (EPASS).

2) In xukuumaddu ay gabi ahaanba ula soo noqotay si sharciga waafaqsan maamulkii, gacan-ku-hayntii, Adeegii iyo Qalabkii Haamaha shidaalka ee Berbera, Amniga Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal, iyo Adeegga Baarkinka Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal ee ay hayeen shirkadaha kala ah; BOG, SRM iyo EPASS.

 

3) In Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha Iyo Dalxiiska, Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka iyo Hay’adda Duulista Hawadu ay keenaan qiimaynta dhabta ah ee dhaqaalaha ay Shirkadaha BOG, SRM iyo EPASS ku maalgaliyeen Haamaha Shidaalka Berbera, Amniga Madaarkada Caalamiga ah ee Cigaal iyo Baarkinka Madaarka, soona xaqiijiyaan dhaqaalaha ay ka heleen.

4) In Wasaaradaha iyo Hay’adaha ay khusaysaa ka gutaan waajibkooda sharci ee fulinta qodobbadan kor ku xusan.

5) In Shaqaalihii ka hawl-galayey adeegyadani ay shaqadooda u sii wadanayaan si caadi ah.

Xukuumaddii hore ayaa heshiishkan hore ula galay shirkaddo gaar ah, kuwaas oo saddexdan adeegba iyagu maamuli jirey.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.