Sabti, August, 11, 2018 (HOL) -
Waddada isku xirtay Balcad iyo Jowhar waa halka ugu khatarsan marka lagu
safrayo dhulka, waxaana marar badan hore weerarro sababay khasaare isugu jira
dhimasho dhaawac ka geystay dagaalamayaasha Al-shabaab.
Dhawaan waxaa magaalada Jowhar
ee xarunta u ah maamulka Hirshabeelle tagay taliyaha guud ee ciidamada
howlgalka midowga Africa AMISOM Beesigye Oweyesigire isaga oo kulamo kala duwan
la qaatay saraakiisha ciidamada AMISOM ee ka howlgala gobolka Shabeellaha
dhexe.
Taliyaha ayaa kula dardaarmay
ciidamada in aysan dhufsyada oo kaliya ku jirin laakiin loo baahan yahay in ay
ka qeyb-qaataan howlgalada lagula diriirayo Al-shabaab, gaar ahaan sugida
amniga waddada isku xirtay Balcad iyo Jowhar oo ay ka dhacaan weerarrada ugu
badan ee Al-shabaab.
Horay waddadaas waxaa loogu dilay mas’uuliyiin ka
tirsan maamulka Hirshabeelle oo ay ku jiraan xildhibaanno, iyo saraakiil
ciidan, waxaana muuqata in ciidamada militeri-ga dowladda Soomaaliya oo kaliya
ku fileyn sugida amniga waddada xiriirisa Balcad iyo Jowhar oo muhiim u ah isku
socodka dadka rayidka iyo mas’uuliyiinta maamulka intaba.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]