4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 11, 2018
Diyaarad laga xaday shirkad Mareykanka ah oo markii danbe bur burtay

 

Sabti, August, 11, 2018 (HOL) - Mid ka mid ah Farsasmayaqanada diyaaradaha oo si sharci darro ah u duuliyay diyaarad aan cidina saarneyn oo nuuceedu yahay Horizon Air Q400,ayaa ku dulburburtay Jasiirad ku dhow deegaanka Seattle ee gobolka Washington.

Saraakiisha shirkadda ayaa sheegay in ninkaasi oo 29-sano jir ah uu sameeyay duulitaan sharci darro ah kaddib markii uu diyaarad kala goostay galinkii danbe ee shalay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Seattle.

Laba ka mid ah ciyaaradaha dagaalka ee Mareykanka F 15 ayaa lagu waramay in ay dabagaleen diyaaraddaasi,mana cadda in diyaaraddaasi oo dhacday ay toogteen labadaasi diyaradood,sidoo kale ma jiraan warar sheegaya in uu badbaaday ninkii watay diyaaraddaasi.

Maamulka ciidamada Boliiska ee magaaladaasi ayaa sheegay in shilkasi aan lala xiriiri karin fal argagixiso

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]