4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 10, 2018
Ciidamo Liyuu Booliis ah oo dhaawacay guddoomiyihii degmada Wajaale –dhinaca Itoobiya

 

Jimco, August, 10, 2018 (HOL)– Guddoomiya degmada Tog-Wajaale qeybta xigta Itoobiya oo lagu magacaabo Axmed Khadar Cabdi Cali ayaa sheegay in ay toogasho ku dhaawacmeen ciidanka Liyuu Booliis ee dowlad deegaanka Itobiya xili sida uu hadalka u dhigay uu isku dayay in uu ka celiyo in ay qaataa gaari dab-damis ah oo degmada yiilay.

Wuxuu sheegay in xabada ay ku rideen madax ka haleeshay- laakiin dhax fariisatay halibka oo ay aysan dhib kale u geysan isaga oo intaa ku daray in uu caafimaad qabo.

Wuxuu sheegay in markii danbe ay qaateen gaarigii dab-damis ahaa, kuwa kalana dhibaato soo gaarsiiyeen ciidamada Liyuu Booliiska.

Tan iyo wixii ka danbeeyay markii ay rabshaduhu ka bilaawdeen dhulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaa soo baxayay eedeymo loo jeedinayay ciidamada gaar ah ee Liyuu Booliiska oo lagu eedeeynayay in ay qeyb ka yihiin raca iyo boobka ka jira deegaanka, waxaana looga digay in ay qeyb ka noqdaan rabshadaha socda.

Ciidamada militeri-ga dowladda dhexe ee Itoobiya ayaa hadda guud ahaanba gacanta ku haya amniga deegaannada dhulka Ismaamulka Soomaalida, kaddib markii sida ay sheegeen dadka deegaanku ka codsadeen in ciidamo loo soo diro suga amnigooda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]