4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 10, 2018
Puntland oo baaritaan ku sameyn doonta xoolo uu Sacuudiga dib usoo celiyay

 

Jimco, August, 10, 2018 (HOL)– Dowladda Sacuudiga ayaa Soomaaliya dib ugu soo celisay xoolo dhawaan la dhoofiyey oo lagu qiyaasay toddoba iyo labaatan kun oo neef, waxaana lugu wadaa Markabkii xoolaha qaaday oo la soo celiyey in uu illaa maalinta Axadda ku soo xirto dekedda Bossaaso.

Sacuudiga waxaa la sheegay xoolaha inuu usoo celiyay markii laga helay xanuunka Rift Valley fever, balse waxaa diiddey cudurka inay qabaan xoolaha Soomaaliya wasiirka xanaanada xoolaha Puntland, Cabdullaahi Sheekh Axmed oo u sheegay warbaahinta in ay baadhi doonaan xanuunka loogu sheegay in ay xoolahaasi qabaan.

"Ma ka hareyno illaa la caddeeyo cudurka .. ma aaminsani Rift Valley fever inuu ka jiro Soomaaliya - balse waxaa laga yaaba arrimo kale inay jiraan oo aan doonayo inan hadda ka hadlin." ayuu yiri Cabdullaahi Sheekh ,wasiirka xanaanada xoolaha Puntland oo BBC-da la hadlay.

Sacuudiga ayaa dhawaan xayiraaddii ka qaadday xoolaha Soomaalida, waxaana dalkaa loo dhoofiyey xoolo aad u faro badan gaar ahaan intan lagu jiro mawsimka xajka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online