3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 10, 2018
Ruushka oo ka digey inuu sii xumaado xiririka kala dhaxeya Mareykanka

 

Jimco, August, 10, 2018 (HOL)– Dowladda Ruushka ayaa sheegtay in cuna-qabateyntii Mareykanku uu ku saaray Ruushka eedeynta la xiriirta sumeynta basaas hore oo Ruushka u shaqeyn jirey iyo gabadhiisa ay dib u dhac ku keeneyso horumaradii laga sameeyay wadahadalladii dhex maray madaxda labada dal.

Dmitry Peskov, afhayeenka Aqalka Kremiling ee Ruushka looga arrimiyo oo warbaahinta la hadlayey, ayaa sheegay in go'aanka noocan oo kale ah oo ay Mareykan-ku qaadaan uu yahay mid saaxiibtininmada labada dal xumeynaya.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa cuna-qabeyntan cusub ku dhawaaqdey Arbacadi, iyada oo ku micneysay in ay jawaab u tahay weerarkii sumeynta ahaa ee lagula kacay Sergey Skripal oo 66 jir ah iyo gabadhiisa Yulia oo 33 jir ah, kuwaas oo lagu sumeeyay dalka Britain bishii March ee sanadkan.

VOA 













Click here
8/10/2018 3:20 PM EST
Jimco, August, 10, 2018 (HOL)– Guddoomiya degmada Tog-Wajaale qeybta xigta Itoobiya oo lagu magacaabo Axmed Khadar Cabdi Cali ayaa sheegay in ay toogasho ku dhaawacmeen ciidanka Liyuu Booliis ee dowlad deegaanka Itoobiya xili sida uu hadalka u dhigay uu isku dayay in uu ka celiyo in ay qaataa gaari dab-damis ah oo degmada yiilay.

8/10/2018 11:16 AM EST
Jimco, August, 10, 2018 (HOL)– Wada-hadallo lugu raadinnayay in lugu xalliyo xiisada ka taagan deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ee u dhaxeysa Puntland iyo Soomaaliland ayaan illaa hadda wax natiijo ah laga gaarin, sida u xaqiijiyay madaxweyne ku-xigeenka Puntland,Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar (Camay).

8/10/2018 9:22 AM EST
Jimco, August, 10, 2018 (HOL)– Dowladda Sacuudiga ayaa Soomaaliya dib ugu soo celisay xoolo dhawaan la dhoofiyey oo lagu qiyaasay toddoba iyo labaatan kun oo neef, waxaana lugu wadaa Markabkii xoolaha qaaday oo la soo celiyey inuu illaa maalinta Axadda ku soo xirto dekedda Bossaaso.

8/10/2018 8:25 AM EST
Jimco, August, 10, 2018 (HOL)–Buundadan oo muhiim u ahayd isu socodka dadka iyo gaadiidka ayay dagaalyahanno ka tirsan Shabaab gooyeen dabayaqaadii bishii July ee sanadka, kadib weerar ay kusoo qadeen deegaankaasi oo saldhig u ah ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dowlad goboleedka Jubbaland.

8/10/2018 7:27 AM EST
Jimco, August, 10, 2018 (HOL)–Waxaa shalay gelinkii lagu qabtay magaalada Muqdisho aqoon-isweydaarsi hal maalin socday oo ku saabsanaa barashada qorsheynta maamulka iyo istiraatijiyada ganacsiga goobaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay.

8/10/2018 3:10 AM EST
Jimco, August, 10, 2018 (HOL)–Guddida ilaainta iyo dabagalka hantida qaranka ee golaha wakiilada, ayaa eeddo musmusuq usoo jeedisay wasiiro ka tirsan xukuumaddii hore ee Axmed Silaanyo, kuwaas soo bandhigay lacag loogu talogalay mashaariic in lagu fuliyo oo aan lagu fulin.

8/10/2018 2:54 AM EST
Jimco, August, 10, 2018 (HOL)–Ku dhawaad 40 xubnood oo ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga ka arimiya dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ku sugan magaalada Addis Ababa, sida ay sheegeen xubno ka tirsan golaha.

8/10/2018 12:55 AM EST
Jimco, August, 10, 2018 (HOL)–Madaxweyne Donald Trump sodohdii iyo sodogii ayaa noqday muwaadiniin Maraykan ah iyaga oo loo sameeyay xaflad gaar ah.

8/10/2018 12:48 AM EST
Jimco, August, 10, 2018 (HOL)–Shaqaale ka tirsan hay'adda hay’adda Bisha Cas ayaa lagu waramayaa in dabley loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin xooggaga Al-shabaab ku qafaasheen gobolka Baay ee maamulka Koonfur Galbeed.

8/10/2018 12:30 AM EST
Jimco, August, 10, 2018 (HOL)–Munaasabad ay xilalka kula kala wareegayeen Markab ciidan oo laga leeyahay dalka Spain oo si rasmi ah xilka howlgalka Atlaanta ee Soomaaliya kala wareegay Markab dagaal oo kuwa Talyaaniga ah ayaa lagu qabta xalay dalka Jabuuti.