3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 10, 2018
Aqoon–is-Weydaarsi ku saabsan horumarinta xir-fadlayaasha caafimaadka oo Muqdisho lugu qabtay


Jimco, August, 10, 2018 (HOL)–Waxaa shalay gelinkii lagu qabtay magaalada Muqdisho aqoon-isweydaarsi hal maalin socday oo ku saabsanaa barashada qorsheynta maamulka iyo istiraatijiyada ganacsiga goobaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay.

Aqoon is-weydaarsigan ayaa waxaa soo qaban-qaabiyey hay’adda Caafinet oo ah heyad maxali ah oo ka shaqeysa horumarinta iyo tayeynta xirfadleyda caafimaadka.

Hay’addan oo la aasaasay sanadkii 2017 ayaa waxaa xubno ka ah kaadiriin isugu jira dhaqaatiir iyo aqoonyahano kale oo ku taqasusay tayeynta arrimaha ganacsiga iyo fayo dhowrka sida uu sheegay agaasimaha fulinta heyadda Caafinet Maxamed Cismaan Maxamuud oo munaasabadaas ka hadlay.

"Caafinet waa heyad maxali ah oo loogu talo galay iney ka caawiso goobaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay la talin ku aadan horumarinta iyo tayeynta adeegyada ay bixiyaan iyo sidii ay u yeelan lahaayeen qorshe hufan oo la xiriira habka maamulka iyo Maareynta ganacsigooda" ayuu yiri Maxamed Cismaan Maxamuud.

Aqoon isweydaarsigan oo ay ka soo qeyb galeen dhaqaatiirta dalka ka howlgasha qaarkood iyo aqoonyahano kala duwan ayaa waxaa casharo ka bixiyey khubaro ku taqasusay barashada qorsheynta maamulka iyo istiraatijiyada ganacsiga goobaha gaarka ah ee Caafimaadka, Kuwaasoo si faahfaahsan uga hadlay sida ugu haboon ee loo horumarin karo xirfadleyda Caafimaadka, iyadoo lala jaanqadayo hababka casriga ee ku soo kordhay caalamka, waxayna ka qeyb galayaasha uga jawaabeen su'aalo mowduucan la xiriiray.

Guddoomiyaha heyadda horumarinta xirfadleyda Caafimaadka ee Caafinet Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo isna munaasbadan ka hadlay ayaa ka waramay baahida loo qabo casriyeynta goobaha Caafimaadka ee gaarka loo leeyahay iyo sidii ay uga gudbi lahaayeen kala qoqobaanta.

"Haddii dhaqtar walba uu gaar u furto Isbitaal sida hadaba jirta Waxay noqoneysaa dukaan uu shaqsi gaar ah leeyahay oo aan laheyn qorshe fiican, waxaan u baahannahay inaan taas ka gudubno oo aan helno isbitaalo awood u leh shaqadooda oo leh maamul dhexe, ganacsi tayeysan iyo istaraatiijiyad shaqeyneysa xilli fog" ayuu yiri Dr. Dalmar oo dhinaca kale u mahad celiyey ka soo qeyb galayaasha aqoon isweydaarsigan iyo khubarada casharada ka bixiyey.

Senator Prof. Cismaan Max'uud Dufle oo ka tirsan aqalka sare ee Baarlamanka Somalia, Sidoo kalena ka mid ah dhaqaatiirta Soomaaliyeed oo gebagebadii aqoon isweydaarsigan ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay ka soo qeyb galka kulankan oo oo uu sheegay inuu lahaa ahmiyad weyn oo mudan in diirada la saaro.

"Waan u hambalyeynayaa heyadda Caafinet oo soo qabanqaabisey aqoon isweydaarsigan muhiimka ah, Runtiina isbitaalada gaarka loo leeyahay wax badan baa ka qaldan, kuwaasoo u baahan in laga gudbo si ganacsigoodana uu u horumaro, bulshadana ay u helaan adeeg tayo sare leh oo ay ku qanacsan yihiin" ayuu yiri Pof. Dufle.

Aqoon isweydaarsigan oo ku soo dhamaaday jawi aad u wanaagsan ayaa intii uu socday sidoo kale ka hadlay Dr. Maxamed Maxamuud Fuje oo ka tirsan bahda Caafimaadka iyo xubno kale oo ku dheeraaday dhibaatooyinka ka jira isbitaalada gaarka ah leeyahay iyo habka ugu haboon ee looga gudbi karo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
8/10/2018 3:20 PM EST
Jimco, August, 10, 2018 (HOL)– Guddoomiya degmada Tog-Wajaale qeybta xigta Itoobiya oo lagu magacaabo Axmed Khadar Cabdi Cali ayaa sheegay in ay toogasho ku dhaawacmeen ciidanka Liyuu Booliis ee dowlad deegaanka Itoobiya xili sida uu hadalka u dhigay uu isku dayay in uu ka celiyo in ay qaataa gaari dab-damis ah oo degmada yiilay.

8/10/2018 11:16 AM EST
Jimco, August, 10, 2018 (HOL)– Wada-hadallo lugu raadinnayay in lugu xalliyo xiisada ka taagan deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ee u dhaxeysa Puntland iyo Soomaaliland ayaan illaa hadda wax natiijo ah laga gaarin, sida u xaqiijiyay madaxweyne ku-xigeenka Puntland,Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar (Camay).

8/10/2018 9:22 AM EST
Jimco, August, 10, 2018 (HOL)– Dowladda Sacuudiga ayaa Soomaaliya dib ugu soo celisay xoolo dhawaan la dhoofiyey oo lagu qiyaasay toddoba iyo labaatan kun oo neef, waxaana lugu wadaa Markabkii xoolaha qaaday oo la soo celiyey inuu illaa maalinta Axadda ku soo xirto dekedda Bossaaso.

8/10/2018 8:25 AM EST
Jimco, August, 10, 2018 (HOL)–Buundadan oo muhiim u ahayd isu socodka dadka iyo gaadiidka ayay dagaalyahanno ka tirsan Shabaab gooyeen dabayaqaadii bishii July ee sanadka, kadib weerar ay kusoo qadeen deegaankaasi oo saldhig u ah ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dowlad goboleedka Jubbaland.

8/10/2018 7:40 AM EST
Jimco, August, 10, 2018 (HOL)–Dowladda Ruushka ayaa sheegtay in cuna-qabateyntii Mareykanku uu ku saaray Ruushka eedeynta la xiriirta sumeynta basaas hore oo Ruushka u shaqeyn jirey iyo gabadhiisa ay dib u dhac ku keeneyso horumaradii laga sameeyay wadahadalladii dhex maray madaxda labada dal.

8/10/2018 3:10 AM EST
Jimco, August, 10, 2018 (HOL)–Guddida ilaainta iyo dabagalka hantida qaranka ee golaha wakiilada, ayaa eeddo musmusuq usoo jeedisay wasiiro ka tirsan xukuumaddii hore ee Axmed Silaanyo, kuwaas soo bandhigay lacag loogu talogalay mashaariic in lagu fuliyo oo aan lagu fulin.

8/10/2018 2:54 AM EST
Jimco, August, 10, 2018 (HOL)–Ku dhawaad 40 xubnood oo ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga ka arimiya dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ku sugan magaalada Addis Ababa, sida ay sheegeen xubno ka tirsan golaha.

8/10/2018 12:55 AM EST
Jimco, August, 10, 2018 (HOL)–Madaxweyne Donald Trump sodohdii iyo sodogii ayaa noqday muwaadiniin Maraykan ah iyaga oo loo sameeyay xaflad gaar ah.

8/10/2018 12:48 AM EST
Jimco, August, 10, 2018 (HOL)–Shaqaale ka tirsan hay'adda hay’adda Bisha Cas ayaa lagu waramayaa in dabley loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin xooggaga Al-shabaab ku qafaasheen gobolka Baay ee maamulka Koonfur Galbeed.

8/10/2018 12:30 AM EST
Jimco, August, 10, 2018 (HOL)–Munaasabad ay xilalka kula kala wareegayeen Markab ciidan oo laga leeyahay dalka Spain oo si rasmi ah xilka howlgalka Atlaanta ee Soomaaliya kala wareegay Markab dagaal oo kuwa Talyaaniga ah ayaa lagu qabta xalay dalka Jabuuti.