3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 10, 2018
Xubno ka mid ah golihii wasiiradii hore ee Somaliland oo musuqmaasuq lagu helay

 

Jimco, August, 10, 2018 (HOL) – Guddida ilaainta iyo dabagalka hantida qaranka ee golaha wakiilada, ayaa eeddo musmusuq usoo jeedisay wasiiro ka tirsan xukuumaddii hore ee Axmed Silaanyo, kuwaas soo bandhigay lacag loogu talogalay mashaariic in lagu fuliyo oo aan lagu fulin.

Guddidan ayaa farta ku fiiqay laba mashruuc oo ah jeelka Burco iyo jeelka Boorama oo lacagtii loogu tallogalay la cunay, isla markaana ay heleen qiimaha lacagta loogu tallogalay iyo heshiishyada lala galay shirkadihii dhisayey.

“Guddidu sida mgacaba ka muuqda inay baadhitaan ku samayso oo ay hubin iyo dabagal ay ku leedahay qof kasta oo hanti qaran maamula ama imika ha maamulo ama ha ka tago waa la baadhayaa” ayuu yidhi xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa.

Gudoomiyaha Guddida ilaalinta Hantidda qaranka ee golaha Wakiiladda Somaliland xildhibaan Naasir Cali Shire ayaa sheegay in qof kasta oo masuul ah la baadhi doonno, isla markaana mashruuc kasta oo dalka laga hirgaliyey dabagal lagu samayn doonno.

“Waxaa illaahay mahadii ah inaanu ku guulaysanay inaanu helno xisaab xidhkii sanadkii 2016kii oo aanu badka soo dhigno meelihii kharashkii loogu tallogalay aan lagu qaban, hore umay dhici jirin in marka qof mashruuc loo dhiibo cid ka taba tagnaa may dhici jirin, waanu soo eegnay in mashruucii la fuliyey iyo in aan la fulin.”ayuu yidhi Shire.

 

Waxaanu intaas ku daray “Jeelka Boorama iyo jeelka Burco waxay guddida qandaraasyadu heshiish la gashay shirkadda Al Barako Construction inay muddo laba sanno ah lagu dhameeyo, heshiishkaasi wuxuu dhacay 17/9/2015-kii, maxa loo fulin waayey, waxa kale oo jirta lacagtii loogu tallogalay oo ahayd 1.5 milyan dollar illaa hadana ma dhamaan mashruucyadii lagu fulinayey lacagtaasi waana qabyo wali”.

Sababta mashruucaasi u dhamaan waayeyna waxay gudidu ku eedeysay wasiirkii hore ee Hawlaha Guud Cali Mareen, halka wasiirkii hore xidhiidhka goleyaasha Axmed Xaaji Daahir lagu eedeeyey in saddex jeer uu lacag ku qaatay lagu dhisayey garoonka kubadad cagta ee Boorama.

Guddidan ayaa sheegay in wixi mashruuc ee dalka laga fuliyey ay dib u baadhi donaan wasiir kasta oo ay gashana soo bandhigi doonaan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland













Click here
8/10/2018 3:20 PM EST
Jimco, August, 10, 2018 (HOL)– Guddoomiya degmada Tog-Wajaale qeybta xigta Itoobiya oo lagu magacaabo Axmed Khadar Cabdi Cali ayaa sheegay in ay toogasho ku dhaawacmeen ciidanka Liyuu Booliis ee dowlad deegaanka Itoobiya xili sida uu hadalka u dhigay uu isku dayay in uu ka celiyo in ay qaataa gaari dab-damis ah oo degmada yiilay.

8/10/2018 11:16 AM EST
Jimco, August, 10, 2018 (HOL)– Wada-hadallo lugu raadinnayay in lugu xalliyo xiisada ka taagan deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ee u dhaxeysa Puntland iyo Soomaaliland ayaan illaa hadda wax natiijo ah laga gaarin, sida u xaqiijiyay madaxweyne ku-xigeenka Puntland,Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar (Camay).

8/10/2018 9:22 AM EST
Jimco, August, 10, 2018 (HOL)– Dowladda Sacuudiga ayaa Soomaaliya dib ugu soo celisay xoolo dhawaan la dhoofiyey oo lagu qiyaasay toddoba iyo labaatan kun oo neef, waxaana lugu wadaa Markabkii xoolaha qaaday oo la soo celiyey inuu illaa maalinta Axadda ku soo xirto dekedda Bossaaso.

8/10/2018 8:25 AM EST
Jimco, August, 10, 2018 (HOL)–Buundadan oo muhiim u ahayd isu socodka dadka iyo gaadiidka ayay dagaalyahanno ka tirsan Shabaab gooyeen dabayaqaadii bishii July ee sanadka, kadib weerar ay kusoo qadeen deegaankaasi oo saldhig u ah ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dowlad goboleedka Jubbaland.

8/10/2018 7:40 AM EST
Jimco, August, 10, 2018 (HOL)–Dowladda Ruushka ayaa sheegtay in cuna-qabateyntii Mareykanku uu ku saaray Ruushka eedeynta la xiriirta sumeynta basaas hore oo Ruushka u shaqeyn jirey iyo gabadhiisa ay dib u dhac ku keeneyso horumaradii laga sameeyay wadahadalladii dhex maray madaxda labada dal.

8/10/2018 7:27 AM EST
Jimco, August, 10, 2018 (HOL)–Waxaa shalay gelinkii lagu qabtay magaalada Muqdisho aqoon-isweydaarsi hal maalin socday oo ku saabsanaa barashada qorsheynta maamulka iyo istiraatijiyada ganacsiga goobaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay.

8/10/2018 2:54 AM EST
Jimco, August, 10, 2018 (HOL)–Ku dhawaad 40 xubnood oo ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga ka arimiya dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ku sugan magaalada Addis Ababa, sida ay sheegeen xubno ka tirsan golaha.

8/10/2018 12:55 AM EST
Jimco, August, 10, 2018 (HOL)–Madaxweyne Donald Trump sodohdii iyo sodogii ayaa noqday muwaadiniin Maraykan ah iyaga oo loo sameeyay xaflad gaar ah.

8/10/2018 12:48 AM EST
Jimco, August, 10, 2018 (HOL)–Shaqaale ka tirsan hay'adda hay’adda Bisha Cas ayaa lagu waramayaa in dabley loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin xooggaga Al-shabaab ku qafaasheen gobolka Baay ee maamulka Koonfur Galbeed.

8/10/2018 12:30 AM EST
Jimco, August, 10, 2018 (HOL)–Munaasabad ay xilalka kula kala wareegayeen Markab ciidan oo laga leeyahay dalka Spain oo si rasmi ah xilka howlgalka Atlaanta ee Soomaaliya kala wareegay Markab dagaal oo kuwa Talyaaniga ah ayaa lagu qabta xalay dalka Jabuuti.