4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 10, 2018
Xubno ka tirsan golaha dhexe ee Xisbiga ka arimiya dowlad deegaanka Soomaalida oo Addis Ababa tagay

 

Jimco, August, 10, 2018 (HOL) – Ku dhawaad 40 xubnood oo ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga ka arimiya dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ku sugan magaalada Addis Ababa, sida ay sheegeen xubno ka tirsan golaha.

Tagistan xubnaha ka tirsan xisbiga ayaa maalmihii ugu danbeeyayba ka biyo diidnaa in ay tagaan Addis Ababa oo looga yeeray kaddib markii uu soo ifbaxay khilaaf adag ee oo kala dhax-galay maamulka Soomaalida iyo dowladda dhexe ee Itoobiya.

Xubnaha ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa la lagu waramayaa in aysan la socon xubno kale oo ka tirsan golaha dhexe laakiin la sheegay in ay  Jigjiga ugu hareen sii kala wadista howlaha golaha sida ay BBCda ka soo xigatay xubno ka tirsan maamulka.

Xaaladda magaalada Jigjiga ayaa saaka dagan waxaana la filayaa in ay noloshu si deedii tartiib tartiib ugu soo noqoto.

Wararku waxaa ay sheegayaan xubnaha ku sugan Addis Ababa iyo xukuumadda dhexe isla meel-dhigi doonaan siidii loo soo afjari lahaa Ismari-waaga taagan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]