Shir nabadeedkii Ceel-Afweyn uga socday laba beeleed oo go’aammo laga soo saaray
Arbaco, August, 01, 2018 (HOL) - Shirkii
nabadeedkii ka socday Ceel Afweyn ee lagu soo afjarayey shaqaaqo ka
dhextaagnayd laba beelood oo walaalo ah oo deegaanka wada daga ayaa maanta
go’aamo shareecada ku qotoma laga soo saaray.
Shirkan waxa go’aaminayey guddi culimo ah
oo shareecada islaamka ku xalinayey khilaafka labadan beelood iyo sidii loo
kala xukumi lahaa.
Sidoo kale, madax dhaqameedka ka soo kala jeedda
labaddan beelood ayaa iyaguna saxeexay heshiishkaaasi, isla markaana ogolaaday
go’aamadda laga soo saaray dagaaladda soo noqnoqday ee labadan beelood oo
mudadii uu socday ku nafwaayey dad aad u faro badan.
Gudoomiyaha guddida dhex dhexaadka ee culimdda
Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jawhar iyo Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir ayaa
sheegay in go’aamadda lagu dhaqmo oo la tixgaliyo,isla markaana aanay dib u
dhicin inay jabto.
Sheekh Ismaaciil Cabdi Hure Dheeg oo afhayeenka
guddida ah ayaa shaaciyey go’aamadda laga soo saaray shaqaaqooyinka soo
noqnoqda, waxaana kamid ah go’aamadaasi:
1. Waxaa loo aqoonsaday in dagaalkaasii uu ahaa
dagaal qabiil oo fidmo ah oo aan diinta meelna kaga jirin, dadkiina waxaa laga
dalbaday in ay denbi dhaaf iyo toobad la yimaadaan.
2. heshiishyadii hore ee beeluhu hore
u gaadheen iyo wixii go’aan ee guurtidu soo saartay waa in sidoodii loo fuliyo.
3. dhimshada wiixii dad ku kala dhintay beelaha
ee laga heshiiyey ama go’aan ka soo baxay waxaanu xukunnay in loo fuliyo sidii
loogu heshiiyey, wixii aan hore heshiish ka soo bixin ama go’aan ka soo
bixin ee ku saabsan dhimasho, dhaawac iyo hanti, waxaanay yihiin labaatan qof
oo beeluhu iska dileen intii ka dambaysay go’aamadii hore ee laga heshiiyey.
4. dhaawacyadda, waxa loo kala xukumay 136
qof oo labadda dhinac iska dhaawaceen.
5. dacwada dhulka iyo deegaanka waxa aanu ka
xukunay in umadda wada leedahay oo aan la kala sheegan Karin, in ceelasha la
wada cabo, daaqa la wadaago si cadaalad ah looga fa’iidaysto, cidii deegaan
cusub rabta inay samayso sida Tuulo, Baraago, Beero waa inay fasax ka qaatan
dawlada oo labada dhinac ku heshiiyaan si aanay fidmo dambe uga dhalan, hadii
cidi samayso deegaan cusub cid kale xaq uguma laha inay kula dagaalanto ee waa
inay dacwadeeda u gudbiso dawladda.
Shir nabadeedkan waxa goob joog ka ahaa
madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici, wasiirka Arrimaha gudaha,
qaybaha kala duwan ee ciidanka, madax dhaqameed ka kala yimid Somaliland,
culimo’udiinkii ugu waaweynaa, siyaasiyin iyo gudoomiyeyaasha xisbiga UCID iyo
WADANI.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.