4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 9 , 2018
Kulankii xildhibaannada Golaha Shacabka oo mar kale dib u dhac ku yimid

 

Isniin, April, 09, 2018 (HOL) – War goor dhaw soo gaaray Hiiraan Online ayaa sheegaya in uu mar kale dib u dhac ku yimid kulan lagu waday in maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeelan lahaayeen xildhibaanka Baarlamaanka.

Warkan oo soo baxay daqiiqado ka hor ayaa sheegaya in xildhibaannada Baarlamaanka oo isku diyaarinaya kulankan lagu war-galiyay in uu baaqday waxaana sii xoogeysanaya waan-waanta iyo wada hadallada lagu doonayo in xal loogu helo khilaafka baarlamaanka dhaxdiisa ah.

Guddoomiyaha koowaad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Muudeey ayaa maalintii shalay fariin u diray xildhibaanada uu kuna war-galiyo kulanka maanta, hasse ahaatee lama oga cida bixisay amarka dib loogu dhigay kulanka.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saacadihii aynu soo dhaafnay kulamo kala duwan la lahaa guddi xildhibaanno ah oo ka socday garabka guddoomiyaha Baarlamaanka oo ay ka wada hadlayeen sidii loo dhameyn lahaa mashaakilka ka dhax taagan Baarlamaanka.

Wixii ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa..

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]