Axad, April, 08, 2018 (HOL)- Suldaan Nadiif
Saydh Jibriil oo ka mid ah madax dhaqameedka Somaliland ayaa maanta lagu
xidhay magaaladda Burco ee gobolka Togdheer.
Suldaan Nadiif Saydh Jibriil waxa uu ka mid yahay
madax dhaqameedka beelaha Gabooye, haseyeeshee ciidanka amnigu kama hadal
sababta xadhigiisa ka dambaysay.
Xoghayaha Cadaaladda ee xisbiga WADDANI Barkhad
Jaamac Xirsi Batun ayaa ka hadlay xadhiga Suldaanka, waxaanu ku tilmaamay
xadhigaasi mid khalad ah.
“Suldaan Nadiif oo ah Suldaanka Gabooye ee
Gobollada Berri ayaa hadda Saldhiga Burco lagu xidhay. Qofna sharciga kama
sarreeyo waxaas'e jirinba fal denbi ah oo Suldaanka gacanta kula jiray isagoo
aqalkiisa jooga ayaanay ciidamaddu soo xidheen. Sida u i xaqiijyey Garaadka
Guud ee Beelaha Gabooye Garaad Yoonis Garaad Haybe.
''Waxaan ugu baaqeyna inu
Odeygaas dhaqan xorriyadiisa deg deg loogu celiyo gafkaa laga galayna xaal laga
siiyo. Sharciga sallaadinta kale xidhi waayey ee kan xidhay halkuu ka
shaqeeya?”ayuu yidhi Barkhad Batuun.
Ciidanka amnigu kama hadal sababta loo xidhay,
waxaana la filayaa inay saacadaha soo socda ka hadli doonaan.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.