4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 7 , 2018
Buug lagu magacaabo AF-DHAAB oo lagu soo bandhigay Laascaanood


Sabti, April, 07. 2018 (HOL) - Buugan oo lagu magacaabo AF-DHAAB ayaa ka hadlay Luqada afkeena iyo muga ay leedahay.

Munaasibadan oo ay ka soo qayb galeen, aqoonyahanno, waxgarad, Mas'uuliyiin ka kala yimid deegaano kala duwan ayaa si aad ah loogu dheeraaday muhiimada Luuqada Soomaaligu leedahay.

Cismaan Cabdinuur Xaashi oo qoray buugan ayaa waxaa uu sheegay in uu mudo 23 sano ah wadey baadhitaanka iyo dabagalka afka Soomaaliga, in ay maanta Soo baxana ay jaanis noqotay, isagoo xusay in aanay weli dhowayn.

Buugan oo ay suurageliyeen ururka aqoon baadhista Oday ka sheekee ayaa gudoomiyahooda Axmed Cali Garas Maqaloocshe ka warbixiyey sababta ku hagtey in ay xil iska saaraan daabacaada ay tahay waxaa uu xanbaarsan yahay.

Masuuliyiin ka socdey Jaamacadaha Nugaal, Golis, Ilays iyo Sahal ayaa dhamaantood ka markhaati kacay muhiim u yahay ardayda wax ka barata in gundhig loogu dhigo buugan iyagoo qaatay buwaagtii ugu badnayd ee halkaasi lagu soo bandhigay.

Sidoo kale waxaa qaatay buwaag badan mas'uuliyiinta dugsiyada sare oo sidaa si la mid ah u qiray in uu yahay buugii ugu qaalisanaa ee faham siin kara bulshada.

C/najax Siyaad lataliyaha madaxweynaha Somaliland ee arimaha dhalinyarada ayaa si aad ah ugu dheeraaday Buugan waxaanu Hargeysa ku martiqaaday Qaraaga iyo ragii gacansiiyey.

Gudoomiyaha hay'adda Shaqaalaha Somaliland Sharmarke Geele, ayaa waxa uu gabagabasii xafladaasi ka hadlay waxa uu sheegay in safarkiisan uu ku wajahnaa Buugan oo keliya.

"Buugan muhiim ayuu u yahay qofkasta, waxaana idin leeyahay gaadhsiiya magaalooyinka si dadka ay u bartaan waxa ay leeyihiin" ayuu yidhi Sharmaarke.

Buugan oo ahaa kii ugu qaalisanaa ee soo mara, waxaana goobtaas laga waayey buugan iyadoo aan xafladii dhamaan, kadib markii lawada iibsadey.

Bahda Oday ka sheekee ayaa waxa ay balan qaadeen in ay gaadhsiin doonaan inta lagaga hadlo afka Soomaaliga.

Qoraaga ayaa ugu deeqay nuqul Buugaas ka mid ah Hiiraan Online.

Seynab Cabdi Warsame

[email protected]

Laascaanood, Sool