4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 7 , 2018
Nin Soomaali ah oo dili lahaa boqoradda UK oo xukun lagu riday

 

Sabti, April, 07, 2018 (HOL) – Maxkamad ku taalla dalka Britain ayaa shaacisay in xukun lagu riday muwaadin Soomaaliyeed kasoo lagu eedeeyay in uu qorsheeynaayay in uu u biiro Kooxda Daacish, islamarkaana uu dilo boqoradda dalka Ingariiska.

Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Aweys Shiikheey ayaa haysta dhaalashada dalka Holland ayaa kasoo hormuuqday maxkamad ku taalla London, waxaana la sheegay in weerarkii lagu dilay rabay  Boqorada Ingiriiska, Queen Elizabeth II, iyo ra’isul-wasarihii hore ee UK, David Cameron ay Fashiliyeen Sirdoonka UK, Aweys Shiikheey oo 38-jir ah ayaa lagu xukumay 8 Sano oo xabsi.

Booliska UK ayaa sidoo kale waxaa ay sheegeen in Aweys ay tashkiilisay haweeynay Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Raaqiya Xusseen,islamarkaana ay u ballan qaaday in ay guursan doonto hadii uu u biiro Kooxda Daacish.

Martin Edmunds  oo ah Garsooraha Maxkamadda ayaa sheegay in dadka doonaya in ay dilaan madaxda ee weeraradooda laga hortaggo ay mudeysan doonnaan xukunka Aweys oo kale.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in ay ku daba jiraan Soomaali kale oo lagu eedeeyay in ay la socdeen falka lagu soo eedeeyay Aweys Shiikheey.

Ilyaas Axmed Cilmi, Hiiraan Online
Mogadishu, Somalia