4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 7 , 2018
Dhaqaale loogu deeqay Barnaamijka Hormarinta gobolka Hiiraan Sawirro


Sabti, April, 07, 2018 (HOL) – Kulankan oo ahaa mid dhaqaalo loogu aruurinayay Barnaamijka Hormarinta Hiiraan ayaa waxaa ka soo qeyb- galay Ganacsato haween Dhalinyaro, iyo guddiga loo xilsaaray in ay Hogaamiyaan Barnaamijkan.

Dadkii ka soo qeyb-galay Kulanka ayaa soo jeediyay talooyin muhiim ah oo ku aadan sida loo xoojin karo Barnaamijka Hormarinta Hiiraan kaa oo wax weyn ka taraya guud ahaanba mustaqbalka gobolka.

Gudoomiyaha Barnaamijka Hormarinta Hiiraan Xaaji  Cismaan Dhagaxoow Haaruun ayaa ka hadlay marxaladihii  uu soo maray Barnaamijka Hormarinta Hiiraan iyo Hadda halka uu marayo,waxana uu sheegay in u meel wanaagsan maraayo Barnaamijka loona baahan yahay in qof walbo oo reer Hiiraan ah uu tageero.

Qaar ka mid ah bulshadii ka qeyb- gashay kulanka ayaa balan qaaday in ay garab istaagi doonaan Barnaamijka Hormarinta Hiiraan oo dhawaan Baladweyne looga dhawaaqay,.

Gabagabadii dadkii ka soo qeyb galay kulanka ayaa ku yaboohay lacag dhan $88,748.75 , iyagoona balan qaaday in ay sii wadi doonaan Taageerida Barnaamijka Hormarinta Hiiraan.

Tan iyo markii magaalada Beledweyne looga dhawaaqay Barnaamijka Hormarinta Hiiraan waxaa soconayay dadaalo dhaqaalo loogu aruurinaayo, iyadoo Muqdisho noqoneyso magaaladii labaad ee kulanka lagu qabto,

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]