4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 7 , 2018
Ra’iisal wasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Ahmed oo maanta Jigjiga booqanaya

 

Sabti, April, 07, 2018 (HOL) – Magaalada Jigjiga ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya waxaa ka soconaya diyaargaroow ballaaran oo loogu jiro soo dhaweynta ra’iisal wasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Ahmed oo maanta halkaa tagaya.

Ra’iisal wasaaraha cusub ayaa booqashadiisan dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya waxaa ay imaneysaa maalmo kooban uun kaddib markii xilkan loo dhaariyay, waana qeyb ka mid socdaal lagu wado in uu ra’iisal wasaaruhu ku booqdo guud ahaanba deegaannada uu dalku ka kooban yahay.

Waxaa uu kulamo kala duwan la qaaday doonaan mas’uuliyiinta dowlad deegaanka Soomaalida iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Jigjiga oo ay ugu horeeyaan odayaasha dhaqanka.

Ujeedada uu Abiy ugu hor maray Jigjiga safarkiisan uu ku tagayo meel ka baxsan Addis Ababa ayaa lagu sheegay in uu u muujiyo Shacabka Soomaalida niyad wanaag, iyadoo la og-yahay in qalalaase dad badanni ku dhinteen uu dhaxmaray qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada uu ra’iisal wasaaruhu ka soo jeedo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]