4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 7 , 2018
Ra’iisal wasaare Kheyre oo xalay kormeeray qeybo ka mid ah Isgoysyada Muqdisho

 

Sabti, April, 07, 2018 (HOL) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo wehliyaan Wasiirka Amniga , Maxamed Abuukar Isloow, Agaasimasha hay’adda  Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Saraakiil ciidamada  iyo  xubno ka socday  maamulka Gobolka Banaadir ayaa booqasho ku tagay xalay saqdii dhexe xarumo ay ka howl-galaan ciidamada sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed.

Booqashada Ra’iisul wasaaraha dalka uu ku tagay ciidamada NISA ayaa ku saabsanayd dhiirri gelin iyo mahad naq ku aaddan sidii ay ciidamada nabad ay uga hortageen qaraxyo shalay ka dhacay Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa gacan qaaday dhammaan ciidamadiii ku sugnaa goobihii lagu fashiliyay qaraxyada , wuxuuna taliyeyaasha halkaasi ku sugnaa ka dhagaystay warbixinno ku aaddan sidii ay ugu hor tageen Qaraxyo iyo weeraro ay damacsanaayeen Al-shabaab.

Wuxuuna ra’iisul wasaarahuhu intaa kaddib guddoonsiiyay abaal marin Lacageed oo uu ku dhiiri gelinayey ciidamada maadama ay bad-baadiyeen Shacabka Soomaaliyeed ayna diyaar u yihiin difaacidda dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Kormeerka ra’iisal wasaare Kheyre ayaa imanaya kaddib Qaraxyo shalay ka dhacay magaalada Muqdisho sababay dhimashada ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]