4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 6 , 2018
Xildhibaanno mar kale ugu baaqay Jawaari in uu is casilo

Jimco, April, 06, 2018 (HOL) – Iyadoo aad moodo in wali uu taagan yahay khilaafka siyaasadeed ee ka dhax taagan xildhibaannada Golaha Shacabka, ayeey mar kale ugu baaqeen xildhibaannada mooshinka ka keenay guddoomiye Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari in uu xilka ka dego.

Xildhibaannada oo ku shiray hotelka SYL ee magaalada Muqdisho ayaa guddoomiyaha u jeediyay eedeymo culus iyo in uu ku tuntay sida ay hadalka u dhigeen Dastuurka iyo Xeer hoosaadka u yaala Golaha Shacabka.

Xildhibaannada oo sheegtay in ay tiradoodu dhan tahay 200 oo xildhibaan ayaa ugu baaqay guddoomiyaha in uu xilka iska casilo.

Laakiin guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa marar badan oo hore ku cel celiyay in uusan marnaba xilka iska casili doonin, isaga oo intaa ku daray in uu ku baxayo sharci, madaama markii horeba la soo doortay.

Kulankan ay maanta yeesheen Xildhibaanada ka soo horjeeda Jawaari ayaa ku soo aadaya, iyadoo la hadal haayo in maalinta berri ay kulan yeelanayaan Xildhibaanada, inkastoo aan si rasmi ah loo hubin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]