4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 6 , 2018
Qarax labaad oo goor dhaw ka dhacay Isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho

 

Jimco, , April, 06, 2018 (HOL) - Qarax labaad ayaa goor dhaw ka dhacay isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho gaar ahaan Barkontorool oo aan sidaas uga fogeyn Isgoyskaasi.

Ciidamada ayaa marka hore gaariga is qarxay ka shakiyay waxaana ay uga digeenn shacabka in ay u dhawaadaan sidaa daraadeed ciidamada oo ku howlan in ay xiraan waddada ayaa la sheegay in mar kaliya uu qaraxu dhacay.

Gaadiidka gargaarka deg dega ah ee Ambalaasta ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay, Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale tagay goobta.

Duhurnimadan ayay aheyd markii qarax gaari uu ka dhacay wadada aada Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kaasi oo lala beegsaday Barkontorool oo ay ku sugnaayeen Ciidamada.

Lama soo sheegin wali khasaaraha ka dhashay Qaraxan danbe

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]