4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 6 , 2018
Jidadka Muqdisho oo maalintii saddexaad xiran iyo shacabka oo arintaa dhibaato weyn ku qaba

 

Jimco, , April, 06, 2018 (HOL)–Waxaa maalintii saddexaad xiran inta badan jidadka halbowlaha u ah isku socodka dadka iyo gadiidka magaalada Muqdisho.

Maalintii shalay oo Khamiis aheyd iyo maalintii Arbacada ka horeysay ayeey ciidamada ammaanka dowladda Federaalka waxaa ay xireen wadooyinka ugu muhiimsan magaalada Muqdisho.

Maanta oo Jimco ah mar kale waxaa xiran wadooyinka ugu muhiimsan magaalada Muqdisho, waxaana ujeedka lagu sheegay in wadada Maka Al-mukarama lagu qabanayo Tartanka Orodka gaaban (Mini Marathon).

Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo qaban qaabiyay Tartankan oo lagu qabanayo wadada xiriirisa KM4 ilaa Garoonka Banaadir Stadium.

Ciidamada ammaanka ayaa xalay saq dhexe xiray wadada Maka Al-mukarama, waxaana loo diidayaa in ay maraan gaadiidka dadweynaha iyo Mootada Bajaajta, xitaa shacabka ayaa mararka aanan loo ogolaaneyn in ay lugtooda u maraan.

Sidoo kale waxaa xiran qeybo badan oo ka tirsan wadada Wadnaha ee magaalada Muqdisho, gaadiidka dadweynaha ayaanan isaga kala gudbi karin isgoysyada wadadaasi, waxaana shacabka ay sheegeen in arrintan ay tahay dhibaato soo korortay.

Shacabka magaalada Muqdisho ayaa dhibaato xoog leh ku qaba xirnaasha jidadka magaalada iyo isticmaal la'aan gadiidka, waxaadna arkeysaa bulshada qeybaheeda kala duwan oo lugeyna.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]