Mareykanka oo sheegay in uu duqeyn ku dilay Shan dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab
Talaado, April, 03, 2018 (HOL) – Taliska ciidamada
Mareykanka Africa ee (AFRICOM) ayaa sheegay Duqeyn ka dhacday gelinkii dambe ee
Axadii ina dhaaftay meel u dhow degmada Ceelbuur ee Gobolka Galguduud in ay ku
dileen Shan dagaalame oo ka tirsanaa ururka Al-shabaab.
Mareykanka wuxuu sheegay duqeyntaasi oo dhacday 1dii bishan in lala beegsaday fariisin ay ku sugnaayeen xubno ka tirsanaa
ururka Al-shabaab, aysana jirin khasaare dadka rayidka ah ka soo gaaray
weerarkaasi.
“Waxaan xaqiijineynaa inaanan rayid ku dilin
weerarkan, Shan Argagixisada ka tirsanaa ayaan dilnay, Ciidamada Mareykanka
waxay diyaar u yihiin in ciidamada Qaranka ay ka caawiyaan sidii ay dalka uga
saari lahaayeen xoogaga urura Al-shabaab” ayuu yiri Afhayeen u hadlay Taliska
Mareykanka ee (AFRICOM).
Sidoo kale Mareykanka ayaa sheegay inuu sii wadi doono talaabooyinka la
xiriira Duqeymaha ay fulinayaan ee horey loo ansixiyay, si loo ilaaliyo
ammaanka Muwaadiniinta Mareykanka iyo in la joojiyo khataraha Argagixisada.
Xoogaga ururka Al-Shabaab oo duqeyntan dhankooda
ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen in dhowr gantaal lala beegsaday gaari ay
saarnaayeen dad shacab ah, laguna dilay ilaa saddex qof oo laba ka mid ah ay
ahaayeen rag, halka mida kalena ay aheyd haweeney.
Mareykanka ayaa sanadkii tagay 2017-kii
Soomaaliya ka fuliyay wax ka badan 30 weerar waxaana ay ka badan tahay
weerarradii Mareykanka uu ka fuliyay Soomaaliya Sideeddii sano ee uu
Madaxweynaha ahaa Brack Obama.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]