Sabti, April, 28, 2018 (HOL) -Dowladda Mareykanka
ayaa ku baaqday in dowladda Soomaaliya laga taageero dhanka amniga si ay uga
adkaato dagaalyahanada Al-Shabaab oo ay kula jirto dagaal xooggan.
Donald Yukio Yamamoto ku xigeenka Kaaliyaha
Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo maalmihii lasoo dhaafay
booqasho ku maraayay Bariga Afrika ayaa sheegay in xilliggaan la taagan yahay
xilligii lasoo Afjari lahaa Xiisadda ka dhex jirta dalalka Afrika.
Waxaa uu tilmaamay dalalka Soomaaliya iyo Koofur
Suudaan in ay muhiim tahay in laga kaalmeeyo sugidda amniga iyo dib
usoo celinta Xasiloonidooda.
Kulan uu ku qabtay dalka Jabuuti ayuu sidoo kale ku sheegay in dowladda
Mareykanka ay laba jibaari doono taageeradda ay siiso dalalka ku yaalla Geeska
Afrika.
Waxaa uu xusay in ay muhiim tahay in iskaashi buuxa oo la dagaalanka
Argagixisadda ah in uu dhexmaro dalalka Bariga Afrika.
Waxaa uu carabka ku dhuftay ugu danbeyntii in dowladda Mareykanka ay laba jibaari doonto
taageeradda Ammaanka ah oo ay siiso dalalka Bariga Afrika, waxaana sidoo
kale xusay in ay xoojin doonaan duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]