Roobab culus oo xalay ka da’ay magaalada Beledweyne iyo Fatahaada oo u muuqata mid sii ka korartay
Sabti, April, 28, 2018 (HOL)
- Roobab culus oo xalay ka da’ay
magaalada Beledweyne ayaa u muuqda kuwo uga sii darey xaalada Fatahaada
iyo daadadka ka dhashay dhibicda biyaha roobka oo marba marka ka danbeysa sare
u sii kacaya.
Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta
maamulka iyo dadka deegaanka oo Hiiraan Online la hadlay ayaa sheegay in
roobabka da’aya rajo beel ku sii rideen Qoysas markii hore naawilayay in ay ku sii nagaan karaan guryahooda oo
bilaabay saakay in ay si diriq ah uga soo baxaan xaafadihii ay ku noolaayeen.
Cabsi ugu weyn oo ay hadda dadku
qabaan ayaa ah in biyuhu gooyaan Buundada kaliya ee isku xirta Wadadda dheer ee
Laamiga ah iyo deegaannada loo barakacay oo lagu magacaabo {Buundo Koowaad} oo
biyuhu si xowli ah ku dul-marayaan islamarkaana isticmaalayaan gadiidka waaweyn
ee xamuulka ah iyo kuwa ciidamada AMISOM.
Waxaa jira baaqyo kala duwan iyo
digniinno loo jeedinayo dadka isticmaalaya Buundadan gaar ahaan gaadiidleyda oo
loogu baaqay in aysan dul-marin.
‘’Buundada waxaa ku dul socda
biyo culus oo aysan xamili karin sidoo kale waxaa adeegsanaya gadiidka
xamuulka ah, kuwa dagaal ee ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya,
waana walwalka ugu weyn oo hadda dadku muujinayaan, waayo haddii ay Buundadan
kala go’do ma jiri doonto cid ka soo bixin karta magaalada, waayo waa dariiqa kaliya ee hadda dadka u furan’’ ayuu yiri Cismaan Sahal oo ku sugan Beledweyne.
Tan iyo wixii ka danbeeyay markii
ay curteen roobabka xiliga Gu’ga waxaa xiran garoonka diyaaradaha magaalada
Beledweyne oo aysan ka degin wax diyaar ah marka laga soo tago kuwa helicopter ee qumaatiga u kaca oo ay isticmaalaan hay’addaha
Qaramada Midoobey iyo AMISOM.
Madaxweynaha maamulka
Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan magaalada Beledweyne ayaa ku
baaqay gargaar deg deg ah oo dadka lala gaaro.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]