Arbaco,
April, 25, 2018 (HOL )- Faadumo Maxamuud Ibraahim oo 10 sano
jir ah aha ayaa lagu arkay arin mucjiso ah, iyadoo ay indheheeda, dhegeheeda
iyo afkaba ay ka soo daadanayaan dhagxaan, magaalada Laascaanood Xarunta
gobolka Sool.
Gabdhan
oo aan wax xanuun ah oo dhiba aanay jirin sida ay waalidiinteed sheegeen ayaa
waxa dhibaato ku haya dad-weynaha magaalada Laascaanood oo buuxdhaafiyey guriga
ay degan tahay..
"Illaa
jimcihii ayaan aragnay waxan aan la yaabnay, mucjiso Illaahay na tusay ayaan u
qaadanay, culimada waan u geyney, welina wax xal ah ma hayno, waxaana leenahay
waa arin Rabbaaniya" sidaa waxaa sheegtay Hooyada dhashay gabadha lagu arkay arintan mucjisada ah.
Gabdhani
oo aan jaanis yar u helay waxaa ii muuqatay iyadoo isha hoos u qabanaysa oo
laba-jeer goorta ay haraga hoos u jiidey isheeda dhagax ka soo dhacay u eg
dhagaxda dixda biya-mareenka.
Lama
garanayo sababta arintan keentay, balse waxaa culimada diintu ay ku tilmaameen
oo keliya mid Illaahay og-yahay, iyadoo dhagxaanta goobtaasi ka muuqatey ay
kiilooyin gaadhayeen.
Seynab
Cabdi Warsame
[email protected]
Laascaanood
G. Sool