Kenya oo is hortaagtay shir uu Nairobi ku qabsan lahaa Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame
Talaado, April, 24, 2018 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa diiday islamarkana is hortaag ku
sameysay munaasabad maanta ka dhaci laheyd Nairobi oo lagu waday in uu khudbad
ka jeedo Siyaasiga Cabdiraxmaan CabdiShakuur Warsame.
Siyaasigan oo dhawaan dowladda Soomaaliya ka
qaaday xayiraadii dhoofka ayaa qorsheynayay in xaflad qado ah la yeesho qaar ka
mid ah Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya, gaar ahaan magaalada
Nairobi.
Aadan Barre Ducaalle oo ah guddoomiyaha
Aqlabiyada Baarlamaanka dalka Kenya ayaa arintan uga waramay BBC-da isaga oo
sheegay in Kenya kulankaasi joojisay.
''Waxaa kulankan joojiyay qolyaha qaabilsan
amniga dalka. Wayna la hadleen dadkii qabanqaabinayay kulanka. Qofkii doonayo
inuu u ololeeya xisbigaas, waa in uu ku sameeyaa gudaha Soomaaliya. Dowladda
Kenya ma oggolaaneyso in waddankeeda uu nqodo kii looga duulayay Soomaaliya'',
ayuu yiri Aadan Bare Ducaale.
Wuxuu meesha ka saaray in dowladda Soomaaliya ka
codsatay in ay sidaa sameeyaan, laakiin ay doonayaan mar walba degenaasha iyo
xasiloonida Soomaaliya, sidaa daraadeed Kenya aqbali doonin sida uu hadalka u
dhigay shirar lagu wax-yeeleynayo dowladda Soomaaliya.
Waa safarkii ugu horeeyay ee uu Nairobi ku tago
Cabdiraxmaan CabdiShakuur Warsame tan iyo markii dabayaaqadii sanadkii hore
ciidamada Nabad-galyada dowladda Soomaaliya weerar ku qaadeen hoyga uu ka degan
yahay Muqdisho.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]