Wasiirka Wasaaradda Wax-barashada Hiddaha & tacliinta Sarre oo soo gaaray gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka
Axad April 22 2018 ( HOL)Wafdi uu hoggaaminayey Wasiirka Wasaaradda Waxbarshada Hiddaha
iyo Tacliinta Sare ee dowladda Federaalka Somaliya Mudane Cabdiraxmaan Dahir Cismaan oo Safar shaqo ku yimid dalka Maraykanka ayaa Xaflad lagu
soo dhaweynayo loogu qabtay magaalada Bloomington gobolka Minnesta ee dalka Maraykanka.
Xafladaan oo ay soo qaban-qaabiyeen Jaaliyadda Somaliyeed ayaa
waxaa ka soo qaybgalay Masuuliyiin ka socotay Safaaradda Somali ee Washington oo
ay hoggaaminaysay Run Said Qoorsheel,
Macalin Said Salah Ahmed oo ka mid ah macalimiinta Soomaaliyeed ee
Mudada ku jiray
Waxbarashada,isla markaana haataan macalin ka ah
Jaamacadda Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa ka ka hadlay taariikhda
wax-barashada Somalia & Heerarka ay soo martay.
'Anigoo og Xilka ay hayaan Culeyskeeda muddada 27 sanadaha
dib-u-dhaca ku dhacay Higsiga Adduunyada,meesha aan ka joogno inta ay
le'eg tahay & hakashada nagu timid,1989,waxaanu ka qayb-gallay oo
bilowday meel Eeshiyadaas ka mid ah wixii la oranayey Tacliinta
Adduunka,Wax-barashada loo dhan yahay,wuxuu socday 10 sanno
xuskaasi,10-kaas sanno,Waxaa Caalamka la gaarsiinayey,in qof kasta oo
Muwaadin ah oo adduunka ku nool in uu Helo wax-barsho,ilaa heer Dugsi
sarre aqoon ahaan,.
Siyaad Ali oo ka mid ah Guddiga wax-barashada magaalada Minneapolis
ayaa wasiirka uga war-bixiyey Somalida & kaalimaha ay kaga jiraan
Wax-barashada Gobolkaan.
''' Waxaan ku faraxsannahay in uu wasiirku noo yimaado,ayadoo kaalin fiican ay kaga jiraan Soomaalida Gobolkaan meelo fiican''
Wasiirka ayaa inta uu sugnaa Gobolka minnesota waxaa uu booqday
Dugsi sare ee South high oo ay wax ka bartaan arday badan oo
Soomaaliyeed,wuxuuna u kuur gallay,heerka wax-Barasho ay dhallinta
Soomaaliyeed gaarsiisan yihiin.
Wasiirka ayaa Sidoo kale booqday xarunta dowladda hoose oo uu ka
soo dhaweeyey Guddoomiyaha Degmada Lixaad Mudane Abdi Warsame,iyadoo uu
halkaas,war bixin ka siiyey wasiirka xaaladda guud ee Somalida gobolkaan
& doorka ay ka qaataan arrimaha Bulshada.
Intaas kaddib Wasiir Wasaaradda Wax-barshada & Tacliinta sare
Mudane Abdirahman Dahir Osman,wuxuuna war-bixin ka siiyey Jaaliyadda
Soomaaliyeed,guud ahaan Xaalada Hormarineed ee wadanka & Wax-qabadka
ay ku tilaabsatay Wasaaradda wax barshada Soomaaliya.