4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 21, 2018
Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo booqday dugsiga tababarka Jen Gordan

 

Sabti, April, 21, 2018 (HOL) - Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Gen.Cabdiweli Jaamac Gorod ayaa galinkii danbe ee maanta booqday dugsiga tababarka Gen.Gordan oo ay dhowaan ka baxeen Imaaraadka.

Taliyaha ayaa khudbad u jeediyay ciidamada ay Imaaraadku gacanta ku hayeen, isaga oo sheegay in ay ka mid yihiin ciidamada xoogga dalka isla markaasna uu waajibaad ka saaran yahay difaaca dalka, dadka iyo diinta.

Jen Gorod ayaa sheegay iney muhiim tahay in markasta ciidanku aaminaan iney u dagalamayaan difaaca karaamada iyo qarannimadda waddankooda.

Ciidanka ayaa dhankooda balan qaaday iney ilaalin doonaan nidaamka ciidan ee waddanka u yaal waxa kale oo ay sheegeen iney mar kasta ku weyn tahay waddanimada iyo difaaca dalka.

Markii uu soo dhamaaday kulanka taliyaha iyo ciidamada waxaa uu kormeer ku tagay Jen Gorod dhammaan xerada wuxuu soo arkay gaadiidka xerada yaala, sidoo kale taliyaha ayaa dhexgalay isbitaalka ku yaala xerada.

Xerada Gen Gordan ayaa waxaa hore u maamulayay Dowlada Isutagga Imaaraadka Carabta waxaana ay joojisay kaalmadii iyo gacan ku hayntii ay hore ugu haysay xeradan kadib markii uu xumaaday xiriirka ay la leedahay dowlada Soomaaliya.

Xiriirka labada dal ayaa xumaaday kaddib markii ay dowlada Soomaaliya la wareegtay lacag ku dhow Toban malyan oo dollar taasoo ay keentay diyaarad laga leeyahay Imaaraadka Carabta magaalada Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]