Boqor Buur-madow oo xabsiga laga siidaayey iyo madaxweynaha Puntland oo ka hadlay xadhigiisa
Sabti, April, 21, 2018 (HOL) - Boqor Cismaan Aw
Maxamuud Buurmadow ayaa goor dhoweyd laga sii daayey xabsiga dhexe oo laba
cisho ku jiray.
Ciidanka Amniga ayaa laba habeen ka hor xabsiga u
taxaabay Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow oo wakhtigaasi ku sugnaa hoteel
Maansoor ee magaaladda Hargeysa, waxaanu wakhtigii xabsiga loo taxaabayey la
joogay wasiiro ka tirsan xukuumaddan.
Odayaasha deegaanka uu ka soo jeeday ayaa dadaal
dheer u galay sidii boqorka xoriyadiisa dib u heli lahaa.
Boqor Buurmadow ayaa lagu eedeeyey inuu wax u
dhimay qaranimadda Somaliland mar uu xaflad madax dhaqameed lagu caleemo
saarayey deegaanka Puntland uu hadalo ka soo jeediyey, waxaanu boqor Buurmadow
sheegay inuu ku baaqayo in ciidamada Somaliland iyo Puntland la kala qaado
iyo inuu sheegay inuu afka madaxweyne Muuse Biixi ku hadlayo oo uu
madasha ka sheegay, taas oo xeer ilaalintu ku soo oogtay inay tahay dambi uu ka
galay qaranimadda.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Puntland Cabdi
Wali Maxamed Cali Gaas ayaa isna ka hadlay xadhiga Boqor Buurmadow,
waxaanu sheegay in xadhigaasi uu arko khalad.
“Somaliland waxa lagu xidhay Boqor Buurmadow,
waxay ila tahay isimadu inay mudan yihiin karaamo iyo sharaf, in la dhawro
sharaftoodda iyo cirdigoodda in aanay sax ahayn in isim ah oo meel dalkiisa ka
mid ah tagay ayuu aha, isimaradda xuduud ma leh, nabadeynta u tagi karaan, ma garan
kara sababta uu ku mutaystay xadhigaasi Boqor Buurmadow, cid kasta oo soomaali
oo wanaag wada waanu soo dhoweynaa”ayuu yidhi Cabdi Wali Gaas madaxweynaha
Puntland.
Xadhiga boqor Buurmadow ayaa dadweyne degan
degmada Ceel afweyn u mudaahraadeen, isla markaana xadhigiisa ku tilmaameen mid
sharci daro ah.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.