Dowladda Soomaaliya oo si rasmi ah ula wareegtay ciidamadii uu Imaaraadku tababarayay
Sabti, April, 21, 2018 (HOL) - Dowladda
Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ula wareegtay dugsigii tababarka Jen Gordan
oo ay horey u maamulayeen saraakiishii Imaaraadka ee tababarka siinayay
ciidamada dowladda Soomaaliya.
Saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed
ayaa si rasmi ah ula wareegay ciidamadii halkaa ay ku tababarayeen Imaaaraadka
iyo gadiid ka kooban 25 gadiidka Cabdi Bilaha ah oo ka mid ahaa agabkii ciidamada ee halkaa
yaalay.
Abaandulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed
Jen Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay in dowladdu maanta si rasmi ah ula
wareegtay xerada Jen Gordan iyo ciidamadii halkaa lagu tababarayay intaba,
waxaana uu meesha saaray warar sheegayay in la bililiqeystay xerada iyo agabkii
militari ee yaalay.
‘’Saraakiishii Imaaraadka ee dugsiga maamulayay
waxaa ay si buuxda ugu wareejiyeen dugsigan ciidamada xoogga dalka
Soomaaliyeed, waxaan la wareegay dhamaanba dhismihii uu ka koobnaa dugsiga, waxaan
kaloo la wareegnay gadiid ay noogu deeqeen’’ ayuu yiri Abaandulaha ciidamada
xoogga dalka Soomaaliyeed.
Bilihii ugu danbeeyayba waxaa xumaan xiriirka u
dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Imaaaraadka, taasoo keentay in Imaaraadku ka
xirirto howlihii kala duwanaa ee mudadda dheer ay ka soo wadeen gudaha dalka
Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen tababarada ciidamada xoogga dalka
Soomaaliyeed.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]