4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 21, 2018
Cabdiwali Muudeey : Dastuurkii hore oo ay ansixiyeen odayaasha Soomaaliyeed waa la xaday

 

Sabti, April, 21, 2018 (HOL)–Cabdiwali Sheekh Muudeey ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in Dastuurka hadda lagu dhaqo dalka uusan aheyn kii saxda ahaa oo ay ansixiyeen Ergada Soomaalida sanadkii 2012.

Muudeey ayaa  sheegay in Dastuurkii saxda ahaa la xaday oo aan la ogeyn meel lagu sheego sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa uu sheegay in Dastuurka qabyada ee Soomaaliya uu yahay mid laga soo turjumay afaf qalaad, isagoo ku baaqay in la xafido dastuurka howshiisa socoto.

“Waxaa leeyahay Dastuurkan yaa loo xadin sidii kii hore oo kale, dastuurka aan hada ku shaqeyno ma ahan kii saxda ahaa ee ergada Soomaaliyeed ay ansixiyeen, anaga indhoole ma nihin, caqli la’aan ma nihin waa ognahay, haddii loo baahdana waa la heli karaa dadkii ka dambeeyay”ayuu yiir C/wali Muudey oo ku baaqay in dastuurkan la xafido.

Wasaaradda Dastuurka iyo Guddiyada ku shaqada leh dib u eegista Dastuurka ayaa wada kulamo wadatashi ah oo looga gol leeyahay in dastuur aan qabyo aheyn oo loo dhan yahay la qoro.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]