4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 21, 2018
Wasiir Cawad : Dalal ay Itoobiya ka mid tahay ayaa doonaya in ay na dhaxdhaxaadiyaan Anaga iyo Imaaraadka

 

Sabti,  April, 21, 2018 (HOL) – Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibeda xukuumadda Soomaaliya Axmed Cawad Ciise oo ka hadlayay dadaallada socda ee la doonayo in lagu dhameeyo khilaafka kala dhaxeeya Imaaraadka, aya sheegay in dalal dhowr ah oo daris iyo saaxiib intaba leh doonayaan in ay dhameeyaan khilaafka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

‘’Dalal dhowr ah oo daris iyo siixaabo intaba leh ayaa doonaya in ay arintan soo dhaxgalaan, dalalkaas waxaa ka mid ah, Itoobiya, Masar iyo Sacuudiga’’ ayuu yiri Wasiir Cawad.

Wasiirka ayaa sheegay in marnaba dowladda Soomaaliya cudur daar ka bixin doonin arrintii dhacday, taasoo laga dheehanayo sida Imaaraadka u doonayo in Soomaaliya raalli gelin ka bixiso dhacdadii 8-dii bishan ka dhacday Garoonka ee lagu qabtay lacagtii ay waday diyaaradii ka diiwaan gishneyd Imaaraadka.

Khilaafka labada dowladdood oo hadda u muuqda mid gaaray heerkiisii ugu sareeyay ayaa saameyn ku yeeshay dhamaanba adeegyadii kala duwanaa ee Imaaraadku ka wadeen gudaha Soomaaliya sida tababarka ciidamada iyo bixinta adeegyo caafimaad iyaga oo xiray Isbitaalkii ugu weyn oo ay ku lahaayeen magaalada Muqdisho

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]