4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 20, 2018
Boqor ku dhawaaqay in uu badaley magaca dalkiisa

 

Jimco, April, 20, 2018 (HOL)–Boqorka dalka Swaziland Boqor Mswati III ayaa markii ugu horeysay ku dhawaaqay in uu bedelay magaca dalkiisa ee Swaziland una bixiyay “Boqortooyada eSwatini”.

Arrrintan ayuu uga dhawaaqay garoon kubbada cagta ah oo loogu dabaaldegayay sanad-guuradii kontonaad eeka soo wareegatay xornimada wadankaas.

Magacan cusub, eSwatini ayaa la micno ah “Dhulkii Swaziga”inkastoo bedelida magaca uu ahaa mid aan hore loo fileyn balse Boqor Mswati ayaa sanadihii la soo dhaafay dalkiisa ugu yeeri jirey magacan cusub ee eSwatini.

Wararka waxa ay sheegayaan in magacan uu ahaa kii uu boqorku isticmaalay markii uu qudbad u jeedinayay golaha guud ee Qaramada Midoobay sanadkii 2017 iyo weliba furistii Baarlamaanka dalkiisa sanadkii 2014.

Hoggaanka wadanka Swaziland ayaa lagu eedeeyaa inuu ku tunto xuquuqda aadanaha iyo weliba in uu mamnuucay xisbiyada kana reebay siyaasada haweenka dalkaas.

Boqor Mswati oo ah 50 jir ayaa ka dhaxlay boqornimada aabihii Boqor Sobhuza II oo muddo 82 sano ah boqor u ahaa dalkaas. Boqor Mswati waxa uu leeyahay 15 xaas halka sida dadka taariiqa ah qora ay sheegeen in aabihii uu lahaa 125 xaas.

Boqorkan oo lagu naaneyso Libaax ayaa ku caan ah xaasaska badan ee uu guur-sado iyo weliba sida uu daacada ugu yahay dharka hiddaha iyo dhaqanka ee uu caanka ku yahay dalkiisa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]