4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 20, 2018
Abuja : Shir dhaxmaray taliyayaasha ciidamada qaarada Africa iyo Mareykanka

 

Jimco, April, 20, 2018 (HOL) – Magaaladda Abuja ee dalka Nigeria, ayaa waxaa ku soo dhamaaday shirweyne socday muddo Saddex maalin ah, kaasi oo u dhaxeeyey taliyayaasha ciidamada difaaca Qaaradda Africa iyo dowladda Mareykanka.

Shirkasi Soomaaliya waxaa uga qeyb galay Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas C/wali Jaamac Gorod  iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Shirka, ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay xoojinta wada shaqeynta ka dhaxeysa Taliyayaasha iyo siddii ay isku dhaafsan lahaayeen qibradaha, tababarada dhanka ciidanka  iyo arrimo kale.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka, Sarreeye Gaas C/wali Jaamac Gorod, ayaa intii uu ku sugnaa Magaaladda Abuja ee dalka Nigeria, kulmo gooni gooni ah waxaa uu la yeeshay Madax ay ka mid yihiin Kaaliye ku xigeenka xog-hayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee u qaabilsan Africa Ambassador Stephanie S. Sullivan iyo taliye ku-xiggeenka taliska Mareykanka ee Africom.

 

Madaxda labada dhinac, ayaa  ka wada hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen Taageeridda ciidamada xoogga dalka,  kordhinta dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, siddii looga caawin lahaa dowladda Soomaaliya dib u dhiska ciidamada xoogga dalka iyo wanaajinta xiriirka millatari ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]