Xildhibaan Shariif Sheekhunaa Maye oo isku soo taagay xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka
Khamiis, April, 19, 2018 (HOL)– Iyadoo dhawaan lagu waddo in la soo doorto
guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliyeed, ayaa waxaa isa soo taraya musharixiinta u taagan qabashada
xilka bannaan ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Taliyihii hore ee ciidamada
Booliiska Soomaaliyeed islamarkaana ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka
federaalka Shariif Sheekhuna Maye ayaa ku dhawaaqay in uu yahay musharax u
taagan qabashada xilka afhayeenka Golaha Shacabka.
Xildhibaanka oo warbaahinta la hadlay ayaa
sheegay in muddo 57 sano uu dalka iyo dadweynaha Soomaaliyeed u soo adeeganyay,
isla markaana haddii uu ku guuleysto xilka Guddoomiyaha golaha shacabka uu ka
mira dhalin doono waajibaadka Dastuuriga ee saaran Golaha Shacabka.
Waxaa uu ka codsaday
Xildhibaanada Golaha shacabka inay codkooda siiyaan, haddii la doortana uu
ilaalin doono Dastuurka dalka iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla, isla
markaana howl maalmeedka Guddoonka uusan hoos u dhici doonin.
Maalintii shalay ayaa sidoo kale waxaa ku
dhawaaqay in musharaxnimadooda Labo Wasiir oo ka tirsan xukuumada Soomaaliya
kuwaa oo kale ah Wasiirka difaaca iyo kan Tamarta.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]