4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 19, 2018
Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo sheegay in ay jiraan Ajaanib danbiilayaal ah oo dalka sharci darro ku jooga

 

Khamiis, April, 19, 2018 (HOL) –Agaasimaha hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee dowladda Soomaaliya Jen Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa sheegay in ay jiraan ajaaniib dalka si sharci darro ku jooga.

Agaasimaha ayaa intaa ku darray in Ajaaniibta qaar ay ku jiraan kuwo dalalkooda dambiyo ka soo galay, oo gudaha dalka soo galay.

“Waxaa la socnaa in ay jiraan a ajaaniib dalka si sharci darro ku soo galay, oo badankood dambiyo ka soo galay dalalkooda”ayuu yiri Koofi.

Qaarkood ayuu sheegay in dalka ay Carruur ku dhaleen, sidaa daraadeed wadaan habab lagu diiwaan geliyo dadkaas, isla markaana dadka dambiyada soo galay ee adduunka laga raadinayo loo gacan geliyo hey’adaha ammaanka.

Wixii ka danbeeyay bur burkii dowladda dhexe waxaa dalka ku soo badanayay ajaaniib si sharci darro ku soo galay, waxaa ka mid ah ajaaniib ka yimid wadamo kala duwan oo ka barbar dagaalama Al-Shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]