Khamiis, April, 19 , 2018 (HOL) –Ciidamada dowladda
Soomaaliya ayaa bilaabey howlgal lagu xaqiijinayo Amniga waddada isku xirtay
magaalooyinka Balcad iyo Jowhar oo waayadii ugu danbeeyay ay ku soo badanayeen
weerarro halkaa ay ka geysanayaan Al-shabaab.
Col Cali Calasow taliyah ciidamada xoogga dalka
qeybta ka howlgalka gobolka Shabeelaha Dhexe oo la hadlay Warbaahinta Qaranka
ayaa sheegay in ciidamada ay lawareegeen deegaanno Al-shabaab ay joogeen oo ay
ka cararreen marka ay maqleen in ciidamada xoogga ku soo fool leeyahay,
isagoona sheegay in deeggaanada ay la wareegeen ay kala
yihiin Qoor-dheere, War ciise, Qab duco, Wararaxleey iyo Qorax Madoobe.
“Ciidamada Xoogga dalka waxaa ay ka soo
dhaqaaqeen Raaga Ceelle, Al-Shabaab waxaa ay ka war heleen in aan dhankooda ku
socono way carareen waxaana ay kala wareegnay deegaannada Qoordheere, War
ciise, Qab duco, Wararaxleey iyo Qorax Madoobe, dadka rayidka ayeey ku
dhibaateyn jireen xili kasta”. ayuu yiri taliyaha.
Taliyaha ayaa sheegay in Howlgalada ay socdaan oo
deegaano hor leh ay ku fool leeyihiin ciidamada xoogga dalka, iyagoo saacadaha
soo socda Al shabaab ka saari doona deegaano cusub, wuxuuna balan-qaaday in ciidamada
aysan ka soo laaban doonin deegaanada ay gacanta ku dhigeen, isagoo sheegay in
Saldhigyo waa weyn ay ka sameyn doonaan deegaanadaasi Al shabaab looga difaaco
shacabka ay doonayaan in ay dhibaateeyaan.
Dagaal culus oo shalay dulleedka degmada Balcad
ku dhaxmaray Al-shabaab iyo ciidamada dowladda ayaa lagu dilay ilaa Shan Askari
ka tirsan ciidamada dowladda.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]