4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 18, 2018
Dagaal ka dhacay dulleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe

 

Arbaco, April, 18 , 2018 (HOL) - Ugu yaraan Askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa ku dhimatay dagaal culus oo duleedka degmada ku dhaxmaray ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa u sheegay warbaahinta in dagaalka ay ku dhinteen Shan Askari oo ka tirsan ciidamada dowladda halka dhaawacyo kala gadisan ay soo gaareen dad shacab ah.

Xaalada deegaanka Golaley gaar ahaan deegaanka Ilbaq ayaa degan hasse ahaatee wali waxaa jira dhaqdhaqaaqyo ciidan oo halkaa ka soconaya.

Al-shabaab ayaa marar badan oo hore weeraro ka geystay deegaannada hoos yimaada degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe mana jiro war ah oo maamulka Hirshabelle uu ka soo saaray degaalka maanta halkaa ka dhacay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]