4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 18, 2018
Sheekh Bashiir : Waan ka digeynaa Bandhig Fanneedka la qabanqaabinayo in lagu qabto Muqdisho

 

Arbaco, April, 18, 2018 (HOL)- Hey’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa digniin ka soo saaray bandhig faneedyo lagu wado in 20-ka bishan lagu qabto magaalada Muqdisho, iyaga oo ugu baaqay dowladda in la joojiyo.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah guddoomiyaha  hey’adda Culimada Soomaaliyeed oo ka hadlayay shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay dhalinyarada in aysan lacagtooda ku bixin sida uu hadalka u dhigay Carrada Alle, islamarkaana ka qeybgalin Bandhig Fannneedka la qaban-qaabinayo.

Waxaa uu ku eedeeyay xubno ka tirsan dowladdaa in ay fannnaaniintan ku soo dhaweeyeen Muqdisho, islamarkaana qeyb ka yihiin qaban-qaabada showgga ama Bandhig Fanneedka.

“Waxaan u soo jeedineynaa shacabka, gaar ahaan dhalinyarada in aanay ka qeyb gelin bandhig fanneedkaas oo aanay lacagtooda ku bixin Carrada Alle iyo cadaabta” ayuu yiri guddoomiyaha hey’adda Culimada.

Fannaaniinta lagu wado in ay ka qeybgallaan Bandhiggan ayaa waxaa ka mid ah Kiin Jaamac oo maalmihii ugu danbeeyay siweyn uga soo dhax muuqatay baraha bulshada kaddib Show ay ku qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]