4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 18, 2018
Wasiirka difaaca oo sheegay in uu yahay musharax u taagan xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka

 

Arbaco, April, 18, 2018 (HOL)- Wasiirka difaaca xukuumadda Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ku dhaawaaqay maanta in uu yahay musharax u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Guddoomiyihii Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa 9-kii bishan April iska casilay xilka Guddoonka, sida xeerka Baarlamaanka uu dhigayana ay waajib tahay in booskaas lagu buuxiyo mudo 15 maalmood ah.

Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayuu ka dalbaday in ay codkooda siiyaan si uu ugu guuleysto xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo uu sheegay inuu leeyahay khibradeeda, kana soo bixi karo waajibaadka saaran, maadaama hada ay jirto Dowlad leh Hay’adaheeda Dastuuriga ah.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka bilowday olole Doorasho oo qaar ka ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay ugu jiraan sidii ay u raadin lahaayeen xilkii uu baneeyay Gudoomiye Jawaari.

Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo horey u soo noqday Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa asna shalay ku dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]