4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 18, 2018
Imaaraadka oo aan ku qanacsaneyn siyaasada Sacuudiga

 

Arbaco, April, 18, 2018 (HOL) - Sida uu daabacay Wargeyska Al Akhbar ee ka soo baxa dalka Lebanon dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ka hor timid siyaasadda Sucuudiga ee gudaha iyo dibadda.

Dhaxal sugaha Imaaraadka Mohammed bin Zayed, ayaa ka shaqeynaya sidii siyaasadda Sucuudiga uu uga bixi lahaa Imaaraadka una jebin lahaa xiriirka labada dal.

Wargeyska Al Akhbar, waxaa uu xogtan ka helay Danjiraha Joordan ee Lebonan,kaas oo qoraalkan isaguna ka helay Dowladda Imaaraadka Carabta.

Danjirayaasha Imaaraadka, Joordan  iyo Lebonan,ayaa kulan ku yeeshay magaalada Beirut ee Caasimadda Lebanon,waxaana ay halkaas isku dhaafsadeen dukumiintiyo sir ah oo labada dal u dhaxeeya kana dhan ah Sucuudiga.

Nabil Masarwa, oo ah danijraha Jordan ee Lebanon ayaa hadalkan laga soo xigtay isaga oo u sheegaya danjiraha Kuwait u fadhiya  Beyruud,ninka lagu magacaabo Abdel-Al al-Qenaie.

Mid ka mid ah Dukumintiyada oo ku taariikheysan 20kii September 2017,waxaa uu muujinayaa kulan dhexmaray labada danjire ee dowladaha Kuwait iyo Joordan ee Lebanon,waxaana ay ka wada hadleen aragtida Imaaraadka.

Dukumiintiga labaad ayaa waxaa uu soo baxay 28ka Bishii September 2017, waxaana uu muujinayay kulan dhexmaray Danjiraha Jordan ee Lebanon iyo danjiraha Imaaraadka ee Lebonan kaas oo lagu magacaabo Hamad bin Saeed al-Shamsi.

Safiirka Jordan ee Lebonan ayaa laga soo xigtay isaga oo leh “siyaasadda Sucuudiga kuma qanacsana Imaaraadka weyna diidday”.

Danjiraha Imaaraadka ee Lebonan ayaa laga soo xigtay isaga oo leh “Siyaasadda Sucuudiga,waxaa ay ka hor imaneysaa danaha Imaaraadka ee gudaha iyo Dibadda”.

Dooddan waxaa ay dhalatay markii Nin u dhashay Qadar uu isu taagay Madax Hay’adda UNICEF,waxaana Lebonan ay u codeysan Ninka u dhashay Dalka Qadar oo lagu magacaabo Hamad bin Abdulaziz al-Kawari, Imaaraadka ayaana aad uga xumaaday arrintaas.

Ra’isalwasaaraha Lebonan Rafiiq Al Xariiri ayey Imaaraadka ku eedeeyeen in uu ogaa in dalkiisa uu u codeynayo Ninka u dhashay dalka Qadar doorashadii dhacday 18kii October 2017.

November ra’isal wasaaraha Lebonan ayaa iska casilay xilkaas isaga oo joogay Sucuudiga mar dambe ayuusa sheegay in uu ka laabtay is casilaaddiisa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]