4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 18, 2018
Madaxweyne Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Masar oo khadka Telleefoonka ku wada hadlay

 

Arbaco,April,18,2018 (HOL)–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay khadka tellefoonka kula hadlay dhiggiisa dalka Masar Cabdulfataax Al Sisi ayaa uga mahad-celiyay taageerada joogtada ah ee ay dowladda Masar la garab taagantahay shacabka Soomaaliyeed.

Madaxwynaha ayaa sheegay in Soomaaliya adkeyn doonto xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa marka hore ugu hambalyeeyay Madaxweyne Sisi guushii uu ka gaaray doorashadii madaxtinimo ee dhawaan ka dhacday Masar, wuxuuna caddeeyay in soo laabashadiisu ay gacan weyn ka gaysanayso sii xoojinta xiriirkii adkaa ee ka dhaxeeyay labada dal.

Madaxweyne Sisi ayaa dhankiisa sheegay in Masar ay diyaar u tahay in ay gacan ku siiso Soomaaliya dadaallada ay ku xasilinayso dalka, isaga oo uga mahadceliyay Madaxweyne Farmaajo guulaha la taaban karo ee ay dowladda Federaalku ku tallaabsatay bilihii lasoo dhaafay.

Labada madaxweyne ayaa iska wareystay arrimo badan oo khuseeya labada dal oo ay kamid tahay tallaabooyinka wax ku ool ah ee ay qaadday xukuumadda federaalka Soomaaliya ee dhinacyada amniga iyo horumarinta dhaqaalaha.

Waxaa ay sidoo kale, isla soo hadal qaadeen in si wadjir ah loo wajaho xaaladaha haatan ka taagan dalka iyo guud ahaan gobolka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]