4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 17, 2018
Qatar oo gadiid ku wareejisay maamulka gobolka Banaadir

 

Talaado, April, 17, 2018 (HOL) – Xukuumada Qadar ayaa maanta Gaadiid ku wareejisay maamulka gobolka Banaadir si loo dardargeliso howlaha ka socda dowladda Hoose ee Xamar.

Madax ka socotay Gobolka Banaadir iyo dowladda Qadar ayaa Gaadiidkaan Basaska ah ku kala wareegay gudaha Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho.

Tiradda Gaadiidkaan ayaa gaaraysa 30 Basas kuwa waaweyn ee dheereeye ah, 17 ka mid ah Gawaarida ayaa loogu tala galay in loo qeybiyo degmooyinka Maamulka Gobolka Banaadir , waxaana inta soo hartay la siin doono Goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka ah.

 

Gaadiidkan ayaa ka caawin doona maamulka gobolka Banaadir dardargelinta Howlaha maamulka , iyadoona markii ugu horay degmooyinka ay heli doonaan qeybtooda.

Dowladda Qadar ayaa horay ugu wareejisay wasaaradda Amniga Gaadiid loogu tala galay in ay ku shaqeyaan ciidamada Ammaanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]