4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 17, 2018
Isreal oo sii deysay maxaabiis tahriibayaal ah oo ka soo jeeda qaarada Africa

 

Talaado, April, 17, 2018 (HOL) Sida lagu shaaciyay qaar ka mid ah warbaahinta dowladda Isreal ayaa ka sii deysay xabsi ku yaala magaalada Saxaronim ee Koonfurta Israel shalay oo Isniin aheyd  200 oo Muhaarijiin ah, kuwaasi oo ka soo kala jeeda qaarada Africa.

Dadkan la sii daayay ayaa waxa ay isugu jiraan Rag iyo Dumar oo ay ku jiraan Caruur, waxaana in la sii daayo amartay Maxkamadda Sare, kadib markii Xukuumadda ay heshiis la gashay wadan kale, kaasi oo ku saabsan martigelinta Qaxootigan.

Sidoo kale Maxkamadda Sare ee Israel ayaa waxa ay amartay in la hakiyo mudo 15 maalmood ah musaafurinta Muhaajiriintan, ilaa laga helayo qorshe cad oo ay ku bixi karaan dadkan, iyada oo aanay ku jirin si qasab ah.

Hay’adda Socdaalka ee dalka ayaa warbaahinta u xaqiijisay dadka laga sii daayay Xabsiga Israel in ay gaarayaan 207 qof, kuwaasi oo qaarkood ay sheegtay in ay la kulmeen ciqaab intii ay ku jireen xabsiga, waxaana ay tilmaamtay in hada ay ku jiraan xarun lagu daryeelo Qaxootiga.

Muhaajiriinta sharci darrada ku jooga dalkaasi iyo kuwa u dooda xuquuqda Muhaajiriinta ayaa waxaa ay sheegeen in khatar ay ku tahay dadka Muhaajiriinta ah hadii wadamadooda dib loogu celiyo iyada oo aysan jirin qorshe cad oo lagu maareyn karo, maadaama ay tilmaameen in weli ay jiraan dhibaatooyinkii ay ka soo carareen.

 Benjamin Netanyahu ra’iisul wasaaraha Israel ayaa ku dhawaaqay in uu isbedel deg deg ah ku sameyn doono kala bar dadka sharci darada ku joogo dalka, isaga oo tilmaamay in arrintaasi ay Xukuumadda kala kaashan doonto hay’adaha UN-ka.

Khamiistii, Uganda waxay sheegtay in ay ka fiirsanayso codsi ka yimid Israel si ay u qaadaan 500 oo muhaajiriin ah, kuwaasi oo sifo sharci darro ah ku jooga dalka Israel, maadaama Uganda ay ka mid tahay wadamada Afrika ee martigeliya Qaxootiga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]