Mareykanka: Maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran Miami oo 27-ka bishaan go’aan laga gaarayo
Talaado, April, 17, 2018 (HOL)
- Maxkamad ku taallo Magaalada Miami ee gobolka Florida, ayaa 27-ka bishaan
April lagu wadaa iney go’aan ka gaarto 52 maxaabiis Soomaaliyeed ah oo ku xiran
labo xabsi oo ku yaallo magaaladaas.
Maxaabiistaan
go’aan ka laga gaaraayo oo horay oga tirsanaa 92 maxbuus oo bishii December ee
sannadkii horay laga dhoofiyay gobolka Louisiana iyagoo Soomaaliya loo waday,
balse diyaaradii siday ay dib oga soo laabatay wadanka Senegal kadibna lagu
xiray xabsiyo ku yaallo gobolka Florida.
18 ka mid ahaa
maxaabiistaas, ayaa la sheegay in dib loogu celiyay Soomaaliya kadib markii ay
codsadeen halka qaarkii soo horay ayaa lagu kala xiray xabsiyada Krome iyo
Glades oo ku yaallo Miami.
Maxaabiistaan
Soomaaliyeed oo iskugu jiro kuwa wax badan joogay Mareykanka oo sharciyada loo
diiday iyo waliba qaar dambiyo ka galay dalkaan oo maxkamda ay horay ogu
xukuntay in dib loogu celin doono dalkooda, ayaa sannadkii hore waxey ciidamada
Bilayska ee magacooda loo soo gaabiyo ICE ay ka soo qabteen gobolada Mareykanka
qaarkood oo Minnesota iyo Georgia ay ugu horeeyaan.
Qaar kamid ah
ehelada dadkaas xiran oo ka tagay magaalada Atlanta ee xarunta gobolka Georgia,
ayaa horaantii bishaan mudahaar ka sameyay albaabka hore ee xasbiga ay
eheladoodu ku jiraan.
Cawil Falaag oo
ka mid ahaa dadkii ka qeyb galay mudaharaadkaas, ayaa Hiiraan Online u
sheegay in Magaalada Atlanta ay ka tageen kadib markii lagu casuumay
banaanbax ay soo qaban-qaabiyeen ururka garyaqaanada u doodo maxaabiistaas
Soomaaliyeed iyo Jaamacada Florida.
Cawil oo u
dhaq-dhaqaaqo arrimaha bulshada, ayaa intaas ku daray in 27-ka bishaan ay
Maxkamada Miami dhageysan doonto dacwada maxaabiistaan kadibna ay go’aan rasmi
ah ka gaari doonto.
Garyaqaanada u
doodaayo dadka xiran, ayaa warbaahinta u sheegay in xadgudubyo ay kala kulmaan
maxaabiista Soomaaliyeed xabsiyada ay ku jiraan ee Krome iyo Glades. Waxeyna ka
codsadeen agaasimaha xafiiska ICE ee Miami in si deg-deg ah loo joojiyo
dhibkaas isla markaasna baaritaan la sameeyo.
Dhanka kale Marc
Moore oo ah agaasimaha xafiiska ICE ee magaalada Miami, ayaa beeniyay
eedeymahaas, wuxuuna sheegay in si sharciga waafaqsan loola dhaqmo dadka
xabsiyada ku jiro.
Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
E-mail: [email protected]
Atlanta, Georgia – Mareykanka